Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay Inay Dejisay Qorshe Lagaga Feejignaanayo Cudurka EBOLA

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa ka hadlay u Diyaar garowga Wasaaradd ahaan ee ka hortaga iyo la tacaalida Cudurka halista ah ee EBOLA.
 
 
 
 
 
Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye oo maanta la hadlay warbaahinta waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ALLE inaguma keenee, Ka Wasaaradda ahaan iyo ka Xukuumad ahaan waanu ka diyaar garowanay cudurka EBOLA, laba qorshe ayaanu leenahay, mid degdeg ah, iyo qorshe wakhtiga dheer ah, qorshaha degdega ah oo hada aanu fulintiisii wadno waxaanu ku taloo galnay, in 53 goobood oo dalkeena laga soo galo, oo isugu jira Cirka,
 
 
(Madaaradda), bada iyo dhulka oo aynu xuduudo kala leenahay Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaanu tababar siinay dhamaan shaqaalaha meelaas, waxaanu keenay dhamaan qalabkii lagu eegayey xumada dadka, Madaarka Hargeysa meel u dhowna waxaanu dhignay teendhooyin.”
 
 
 
 
Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Waxaanu samaynay Foomam qofku marka uu soo dago lagu buuxinyo, oo inta aanu Laanta socdaalkaba gaadhin lana baadhayo, oo qofkii laga shakiyana dhinaca loo duwayo, ka kalena uu hawshiisa wadanayo oo uu dalka soo galayo, qofkii aan muwaadin ahayn ee cudurkaas looga shakiyo waala celinayaa, qofkii ka yimaada, ama bilihii ugu sambeeyey ku sugnaa meelahaas uu cudurku ka jirana, toos ayaa loo celinayaa.” Ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland
 
 
 
Berbera news/Hargeysa