“Dastuurkeenu Si Cad-buu U Qeexayaa In Aanay, Is-faro Gelin-karin Sharci-dejintu” Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in Khilaafka ka taagan Golaha Wakiiladda Somaliland ay dib u dhigayaan Doorashadda, isaga oo Xukuumadda ku eedeeyay inay sabab u tahay khilaafkan.
 
 
 
 
Guddoomiye Cirro oo fadhiga ka dib Warbaahinta la hadlay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo saxaafaddu waydiisay waxa uu kala socdo Shir doceedyo Madaxtooyadu la yeelatay Mudaneyaasha Muxaafadka ah oo lagu guubaabiyay inaanay Kalfadhiga aan caadiga ahayn ka qayb galin waxa uu ku jawaabay “Waxay ila tahay Dastuurkeenu si cad buu u qeexayaa inaanay is faro galin Karin Sharci dejinta,fulinta iyo Caddaaladdu,markaa Golahan fara galinta Xukumadduhu kuma Cusba,tii horena way soo faro galisay, tana waydinkaa arkaya faragalinteeda laakiin,mudanayaasha ayuun buu xilku saaran yahay, waxaanan u soo jeedin lahaa in Golaha Sharaftiisa iyo Karaamadiisa ilaalino waajibka dadku inoo doortayna fulino”
 
 
 
 
Guddoomiye Cirro waxa uu intaas ku daray “In Doorashada ay dib u dhigayso arintani waa Marag ma doon, imbadan baanu lahayn doorashada dib loo dhigayaa oo caqabado badan baa jira, markaa waa in Shacbigu indhahooda furan, intana ka mid tahay caqabadihii dib loogu dhigayay Doorashada iyo diwaangalinta, waayo Hay’adda Komishanku waa Hay’addii ka masuulka ahayd doorashada markaa haddii aynu iyadii diidno doorasho ma dhacaysaa bal idinkaan idin waydiiyaye”
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa