Fadhigii Maanta Golaha Oo U Baaqaday Khilaaf U Dhexeeya Xildhibaanada Mucaaridka Ah iyo Muxaafidka

Hargeysa (Berbera news) Fadhigan oo Xildhibaanadda la iskugu yeedhay kal-Fadhi aan caadi ahayn si loo ansixiyo Xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka ayaa waxa ka soo xaadiray 18 Xildhibaan oo ka mid Mudanayaasha Mucaaridka ah, iyadda oo Kooramku-na uu buuxsami waayay ka dib markii Xildhibaanada Muxaafidka ah oo aan ka soo xaadirin fadhiga , isa-markaana Sharcigu Tilmaamay inuu ku furmo 41 Xildhiaan iyo wax ka badan, taas oo keentay in Guddoomiye Cirro uu xidho Fadhiga, isaga oo Mudanayasha ku war-geliyay inay fasaxooda sii wataan ilaa 8 Bisha soo socota.
 
 
 
 
 
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa fadhiga ka dib la hadlay Warbaahinta waxaanu sheegay in Xukuumaddu ay Fara-gelin ku hayso Golaha.
 
 
 
Mudanaaysha Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka ayaa kula aragti duwan Khilaafkan salka ku haya Xeerka Diwaan-gelinta madaniga ah ee ay dhawaan Guurtiddu Ansixintiisa hakiyeen.
 
 
 
 
 
Khilaafkan ayaa ka soo bilaabmay Xeerkii Diwaangelinta madaniga oo lagu sameeya kaaabis iyo wax ka badal, kaas oo Mudanayasha Muxaafidka ahi ay Guddoomiye Cirro ku eedeeyeen in Xeerkii rasmiga ahaa ee hore Golaha Wakiiladdu u ansixiyay aanu u gudbin Golaha Guurtidda.
 
 
 
 
 
Halkan ka daawo.
 
 

 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa