Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somalia Oo Ka Bad-baaday Isku Day Dil

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Cabdilaahi Xasan Rooble oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka badbaaday isku-day di loo lagu Khaarijin lahaa, kaddib markii gaadhi uu watay ay rasaas ku fureen dablay hubaysan gaadhi kale watay.
 
 
 
 
Mudanahan ayaa ka mid ahaa Nidaamiyayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kooxaha hubaysan ay ku rasaaseeyeen xaafadda Taleex ee degmada Hodan, xilli uu ku socday Hotel uu deggenaa.
 
 
 
Dad goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in dablayda ay ka caabiyeen qaar ka mid ah ilaalada Hoteelkii uu deggenaa. Iyagoo kooxaha rasaasta ku furay xildhibaanka ay markiiba goobta ka baxsadeen.
 
 
 
“Gaadhiga Xildhibaanka muraayadaha oo dhan ayaa ka daatay, koox dablay ah oo xidhnaa dharka Ciidamada ayaa Rasaasta ku furtay, balse ALLE mahaddii Xildhibaanka waxa difaacay ilaalada Hoteelka uu ku socday oo ahaa midka uu deggen yahay,” ayuu yidhi ruux goobta ka dhawaa oo warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.
 
 
 
Xildhibaanka ayaa dhaawac fudud uu kasoo gaadhay Muraayadihii Gaadhiga oo ku daatay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ka tirsan Baarlamaanka Somalia, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka xildhibaanka.
 
 
 
Inta lagu jiro sannadkan ayaa waxaa Muqdisho lagu dilay tiro xildhibaanno ah oo ay ku jiray xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ahayd haweeneydii uug horreysay oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka oo Muqdisho lagu dilo.
 
 
Weerarka xildhibaankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu khilaaf uu u dhexeeyo madaxda sare ee dowladda, kaasoo salka ku haya sad-bursi dhinaca awoodda dowladda ah.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa