FADEEXADDA XUKUUMADU KA GASHAY MAKTABADA YUSUF GHANDI!!

Maktabada Yussuf Ghandi waa bar ku taal dhinaca koonfureed ee saldhiga dhexe ee Booiska waana goob la dhigay kutub tiro badan waxana maamule ka ah Axmed Yussuf Ghandi oo xukuumaddii AHN Maxamed Xaaji Ibrahim Cigal u ogolaatay daba yaaqadii sagaashameeyadii in ay noqoto makatabad akhiristeyaashu ka faai’daystaan. Yussuf Ismaaciil Samater wuxu ka mid yahay macalimiintii bud dhiga u ahayd aasaaska tacliinta Somaliland; goob magaciisa lagu xormeeyeyna waa xaaran in nin ganacsada ihi hungureeyo oo dhaqan xumada intaa le’eg ku kaco; xukuumadana waxa waajib ku ah in ay foolxumooyinka isasoo tarayo si deg deg ah u xakamayso oo hantidan qaranka ee la faasaxyo laga waantoobo.
Gandi library
Tilmaam ahaan makatabada waxa xagga dambe ka xiga Boostii iyo Maxkamadii Qaadiga oo ah hanti Qaran oo soo jireen tan iyo xiligii mustacmarka hada se si qarsoodi ah oon tartan loo gelin loogu wareejiyey ganacsata ilma Faarax Xarbi.
Damac iyo hungri waa belee ganacsadaha ayaa sawira in haddii maktabadana loogu daro oo qarkana loo saaro jidka Saldhiga hor mara lana hor gooyo jidka Xilmoog ee taga Maxkamada Gobolka, luuq yar oo xaafadda Reer Jirde Aw Cali galana la bennedo in meesha dhul ballaadhani ku jiro; goobtuna ku habboontahay meherad ganacsi oo casri ah!! Guddoonkii Gar-adag oo la buux dhaafshay, waxaynu intaa ugu dari in:
“Wixii shirbeeleed qabsoomay inta ya xukuumadan Siiraanyo xilka Qabatay malaa’iiktu ha ku darto miisaanka xasanaadka ee Shirkii Garadag.”
Haddaynu taariikhda magaalada Hargeysa dib milicsano waxa jirey ganacsade Hidi ah oo magaciisu aha Karsandas Pitamber oo ay shuraako ahaayeen nin reer Somaliland ah oo la odhan jirey Sheikh Cabdisalaan oo gancsigoodu gaadhsiisnaa dalka Itoobia.
Xili ku beegan dgaalkii labaad ee dunida ka dib ayuu Sheikh Cabdisalaam AHN badeecad ula safray magaalada Jigiga. Halkaas ayaa Sheekha xanuun ku haleeley isaga oo aad u liita aya Hargeysa la keenay. Muddo yar ka dib sheekhii wuu xijaabtay. Cidi kama war qabin sida ay hantida u kala lahaayeen-Hantidana waxa ku jiray dhisme ahaa xaruntoodii Ganacsiga oo taalay sekedda Masjid Jaamicii hore ee ku yiil badhtamaha Hargeysa.
Hantida gurayaha dhisan midoodba gaar ayuu u lahaa. Nasiib daro markii Talyaanigu qabsaday Somaliland magaalooyinka waa laga qaxay oo mulkiyadihii guryihii Sheekh Cabdisalaan way lumeen. Ninkii Hindi markuu ogaaday in mulkiyadihii hantida Sheekha aanay xaaskiisi iyo laba hablood (Caasha iyp Faadumo labadaba AHN hayn, ayaa isaga oo adeegsanaya nin la odhan jirey Sayid Zain Burci oo hadda ku sugan dalka Isutagaka Imaaraadka Carabta. Sayid Zain wuxu ka shaqeyn Jirey xafiiska Badhasaabka qaybta “Land Tenure Office=Xafiiska Mulkiyadaha Dhulka” ayuu sidaa Karsandas Pitamber u dhaxal wareejiyey hantidii reer Sheekh Cabdisalaan.
Markuu kacaankii Afweyne dalka qabsaday, ninkii hindiga ahaa xaruntii ganacsiga ay Sheikh Cabdisalaam shuraakada ku ahayeen si qarsoodi ah ayuu Faarax Xarbi uga iibiyey isna dalka wuu ka haajirey. Arrinta dacwadeedu maxkamadah ayey ku jirtaa oo waxa ay isku hayaan ilma Faarax Caalin oo aabohood mudo dheer la shaqeeya Karsandas iyo Sheekh Cabdisalaam oo isna hantida wax ku lahaa.
Waxa kale oo tan maktabada Yussuf Ghandi barbar socota mid ka sii foolxun oo ninka la yidha Cabdulcasis Dhulcun iyo koox uu horboodayaa ay damceen in wakaalada shirkada Toyota Mariel qaybta Somaliland oo uu mulkiyadeeda leeyahay Cismaan Cabdiraxmaan Aw Cismaan Samater in ay sifu sharciyadda dalka baalmarsan ku hantiyaan lahaansha wakaalada ninkii laha nool yahay.
Waa sheekooyin aan sheeko iyo shaahid lana maqal lana arag. Haddii xaalka dalku sida ku sii socdana waxa maalin dhow dhici doonta in dad nool kuwii dhalay lagaga murmo. Subxaana Allah.
Duc kastood ka eegtaba xukuumaddii talada dalka lagu aaminay waxqabadkeedii wuxu dhaafi la’yahay boob iyo ku takrifalka hanti qaran oo si qaawan loogu wareejiyo intii maalgelisey Xisbiga kulmiye labadii doorasho ee madaxtooyada (2003 iyo 2010).
Aadamuhu wuxu ku deyn bax aa tacabka uu xoogiisa e cashuurta iyo hantida maatida iyo masaakiinta ka dhexa ysa in la bililiqaysto waa wax laga acuudu billaysto. Ayax iyo koronkoro aan geed qoyan iyo mid qallalantoona dhaafayn ayaa dalkii ku habsatay. Si aanay tan oo kale loo mutaysan umma ddu maalintay mindida daabkeeda hayso ha ka fiirsato cidda ay taladeeda ku aaminayso. Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa in aan wax nooc oo kale ah ama la halmaala dib inoo soo marin.
Sharcigee xalaaleeyey in hanti ummaddeed eex iyo qaraabo kiil la isugu naas nuujiyo. Furqaan, Injiil, iyo towraat midna laguma hayo hab dhaqanka xukuumadda uu Md. Axmed Maxamed Maxamuud madaxweynaha ka yahay.
Haddaan in yar dib ugu yara laabto maalmihii qadhaadhaa ee ina soo maray oo mudan in had iyo maanka lagu hayo. Maalintu waxay ku astaysantahay waa maalintii Afweyne Siyaad Bare heshiiska kula galay Mingiste magaalada DJibouti. Afweyne oo Djibouti ka soo laabtay ayaa magaalada Hargeysa ku hakaday oo odayaal iyo madax dhaqmeed kula kulmay. Waxa madashii ka hadlay Allaha ha u naxariistee Xaaji Axmed Ildab Warsame, Ka dib markuu sii xarago leh Afweyne iyo dowladiisiiba dhulka u jiiday ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa “.. Maxaanu ka sugi dowladda noo soo dirtay ninkaa ku ag fadhiya ee BUULE iyo wax ka liitaee xukun noogu dhiibtay ee ummad u taliya yidhi. Waa ninka qarsoodi ku iibiyey hantidii qaranka ee soo jireenka ahayd ee dowladdii mustacmarku ka tagtay..”
Hadalkii markuu Xaaji Axmed dhammaystay ayuu raaciyey: ” Maxamed Siyaadoow intii lagu odhan lahaa odayaalbaa la xidhay, anigu bustahaygii iyo xallaafkiiba waan sitaaye innamada u sheeg hora ha iga sii kaxeeyaan intaad meesha fadhido..”
Afweyne goobtii ayuu ninkii hantida qaranka iibiyey ku amray in uu dadkuu lacagta ka qaatay dib ugu cesho!! Maanta ooy soddon sannadood ka soo wareegtay ay la arkayaa xukuumaddeenii oo Afweyne Baro Dhaafisay!! Haddiibase la qarmi waayey in hantidii ma guurtada ahayd la iibiyo maxaa loo baal marayaa in sifaha sharcigu jideeyey loo maro?
Halkii laga filaayayy caddaalad, sinnaan, iyo xaqsoor iyo horumar ummadeed ma waxay u xuubsiibatay musuqmaasuq, boob iyo wixii Soomaali hore u dishooday.
Hadaba bal an waxooga ka iftiimiyo ifafaalaha maanta jira ioy nsheeko laba nin oo waaleel ah oo saaxiibo ah waa AW SALLAWAAT BULSHO SAWIRE IYO XAAJI NUUR, oo sidan soo socota u dhacday:
Xaaji NUUR ayaa Aw Sallawaat weydiiyey:
“Awsallawaat: Berbera hanti qaran ayaa la bixiyey ayaa la leeyahay; Hargeysana sidaa si le’eg?
Aw Sallawaatna wuxu ku jawaabay:
“Allahay ka Allah, waxaan ka ahayn bannaanbixii Berbera ee xalay hurdadii ayaa codkii Marxuumkii ina Cabdi Shube cod u eg tix iidhiibay.”
Xaaji NUUR: Hayee?
BATAAXII BATTALAAE BURCIIDII AAD KU OGAYD NINKII, HEE
BIXINWAAYEY EE MARAAKIIBTA KA BUUSHAY BADAHAANA U DHOOFSHAY
BADHTANKEEDA HARGEYSA BOOSTII IYI KAYDKII KU DHOWAANA
KU BIIRSOO XARUNTII BERBERAAD EE KALLUUNKA
BALLANKII GARADAG OO LA BUUXSHAY AHAATAYE
SOW BILIILIQO MAAHA IYO BOOBA YAA WADANII
SALAADIINTAN LA BOODAY EE THEATREKII LA BAQOOSHAY
MA BALOOLAYIYO HEES IYO BOTOR BAY KA CAYAARI
MISE WEY BAAYICIYOO DOOLLARKA AYEY LA BAXSAN
SO BILIILIQO MAAHA IYO BOOBA YA WADANII
BALAAYOO NAGA BAYDH MEEL BAAS EEBE KUGEE
BISINKOOD CUSKATAAN BARYADIIN HA AHAATA
Intaasina waa sheekadii dhexmartay labadaa nin ee saaxibka waana waaqica jira ee ka tarjumaya dareenka dadweynaha!
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
October 26, 2014.