Kabtankii Kooxda Koonfur Africa oo la dilay

Wararka ayaa sheegaya inay weerareen niman soo galay guriga gabadha saaxiibtiis ee Vosloorus, ee koonfurta Johannesburg.
Senzo Meyiwa oo 27 sano jir ah ayaa u ciyaaray Orlando Pirates, wuxuuna u ciyaaray Koonfur Afrika afartii sano ee ugu danbaysay koobkii Africa Cup of Nations.
Sabtidii, wuxuu u ciyaarayay kooxdiisa, markii ay u gudbeen ciyaartii semi finalka ee South African League Cup.
Orlando Pirates ayaa kaga badiyay Cape Town 4-1.
Abaalmarin Lacag
kabtankii
Hadal qoraal ah oo uu soo saaray boliiska Koonfur Afrika ayay ku sheegen in laba nin ay soo galeen guriga siddeedii habeenimo. Ninka saddexaadna wuxuu joogay banaanka.
Saddexda nin ayaa lug ku baxsaday kadib markii ay xabada rideen, sida ay warfaafinta gudaha sheegtay waxay ahaayeen tuugo. Mid ka mid ah nimanka ayaa lagu soo waramayaa inuu waydiistay telefoonka ciyaaryahanka.
Abaalmarin lacag oo dhan $14,000 ayaa la bixinayaa qofkii keena xog ku saabsan dadka la raadinayo.
Meyiwa ayaa la sheegay inuu dhintay markii isbitaalka la keenay.