Madaxdhaqamedka iyo Guddiga Beesha Cabdalla Qoyan oo ku baaqay Shir aayo ka-tashi

Burco-(Berbernews)Madaxdhaqamedka iyo Guddiga Beesha Cabdalla Qoyan oo ku Baaqay Shir Duco iyo Aayo katashi oo Reerku ku qabsan Doono GIDHEYS iyo Qurbajooga Reerka oo laga Codsaday ka qaybqaadashadiisa
Salaadiinta, Cuqaasha, Hogaanka Dhaqanka , Waxgaradka iyo Dhalinyarada Beesha Ciise Muse, Maxmed Ciise ,ee Cabdalla Qoyan ayaa ku Baaqay Shirweyne loo Bixiyey Duco iyo Daryeel oo Beeshu ku Ducaysan Doonto Kagana Tashan Doonto Aayaha iyo Danaha Reerka.
Shirkaas oo ay Si gaar ah u Iclaamiyeen Suldanka, Cuqaasha iyo Guddiga Reerku ayaa lagu qaban Doonaa Tuulada GIDHEYS ee Gobolka Saaxil 28-12-2014 oo ah Dhammaadka Sannadkan 2014ka kuna Beegan 5ta Bisha Rabicul-Awal(Bilmawliid) ee Sannadka Islaamka ee Hijriyada.
Suldaan Cabdikariin Maxmed Ismacil, Chief Caqil Sugaal Abdilahi Cajab iyo Caqil Cabdi Siciid Maxamed oo Warmurtiyeed Kooban oo Warbaahinta loo qaybiyey ka soo Saaray Iclaaminta shirkaasi ayaa Qoraalkooda ku yidhi sidan:
“Dhammaanba Waxgaradka, Qurbajooga, Dhalinyarada, Haweenka , Aqoonyahanka, iyo Culimada Beesha Cabdalla Qoyan Waxa lala Socodsiinaya in Kulan Ballaadhan oo Duco ah, isla markaasna lagaga tashan Doono Danaha iyo Aayaha Reerka lagu qaban Doono Tuulada Gidheys ee Gobolka Saaxil 28 – 12 -2014 kuna Beegan 5ta Bisha Rabicul-Awal(Bilmawliid) ee Sannadka Islaamka ee Hijriyada.
Hadaba Waxa lala socodsiinata Dhammaan Qaybaha kala Duwan ee Beeshu ka kooban tahay in Beesha Cabdalla Qoyan oo Degaankoodu yahay Xuduud illaa Xeeb ay isugu yimaadaan Badhaha Degoonkooda oo Noqday Gidheys, Maadama ay isaga kala imanayaan Dadka inta Gudaha Joogtaa Xuduud illaa xeeb oo ay aad u kala fog yihiin, Waxa Meel kasta oo ay Beeshu Joogto laga Codsanayaa in Shirkaas oo loo Bixiyey Duco iyo Daryeel ay ka soo Qaybqaataan Wixii Qaadhaan ah ee uu ku qabsoomayo shirkaasi, oo lagu soo Darsado , muruq , maal iyo maskax ba. Waxanu idinku Adkaynayna in shirkaasi Ducada ah ee lagaga Tashanayo Masiirka Reerka aan la Dhayal san ee laga soo qaybgalo lagana soo qaybqaato Qaadhankiisa”
Allaa Mahad leh
Waxa Murtiyeedkaasi Saxeexay oo Shirka Iclaamiyey
Suldaan Cabdikarin Maxmed Ismaciil
Chief Caqil Sugaal Cabdilahi Cajab
Caaqil Cabdiraxman Siciid Maxamed
Iyo Guddiga Reerka oo ka kooban 36 Xubnood