“Madaxwaynuhu Waxa Uu Xeerkan Ku Sheegay Diwaan-gelinta Madaniga Iyo Diwaan-gelinta Cod-bixinta, Wuu Qalday” Cali-guray

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa sheegay in Xildhibaanada Muxaafadka ah iyo Madaxweyne Siilaanyo been ka sheegeen Xeerka Diwaangalinta ee ah Xeerka Codbixiyaha Xeer lambar 37-2007, balse ay ku sheegeen xeerka diwaangalinta Madaniga ah.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Dadka run ka sheegi waayay magaca Xeer Lam. 37 maxaa kale ee ay run ka sheegi karaan. Madaxwaynuhu wuxu Xeerkan ku sheegay Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Diiwaangwlinta Cod bixiyayaasha mana ah, wuu qalday beena weeye.” ayuu Cali Guray yidhi
 
 
 
 
Waxaanu intaas ku daray “Kuwa Xildhibaanada ee muxaafidka sheeganayaana waxay sheegeen in xeerka loo soo gudbiyay uu ahaa Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah. Mid jirana maaha. Dadka ummadan taladeeda hayaa waa kuwaa. Xeer Lam 37 waa kan.”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa