Xisbiyadda Mucaaridka Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Carqaladdaynayso Doorashooadda

Hargeysa (Berbera news) Asxaabta Mucaaradka ah ee Somaliland UCID iuo WADDANI ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay doorashada lugta jiidayso, kuna dadaalayso sidii ay muddo u kordhisan lahayd. Waxay sheegeen in Xukumaddu been ka sheegtay Xeerka Codbixiyeyaasha doorashada,kuna magacawday Xeerka diwaangalinta Madaniga ah.
 
 
 
 
 
Masuuliyiin sarsare oo labada Xisbi ah,ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga Waddani ee Hargeysa, waxaana ugu horayn ka hadlay Mujaahid Cali Guray oo ah Gudoomiyaha 3-aad ee Ucid, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inuu doorasho diid yahay. Waxa uu sheegay in khilaafka jira iyo muranada siyaasadeed ee hadda jiraa ku salaysan yihiin doorasho diid iyo doorasho doon ishaya.
 
 
 
 
 
“Dagaalka halkan ka socda ee Somaliland ka socdaa, maaha mucaarad iyo Muxaafad ee waa dagaal ay ishayaan doorashadoonka Somaliland oo xal doon ah iyo Doorasho diidka Somaliland oo Xall la’aan inagu wada, xal la’aantana hore ayaynu u aragnay.” Ayuu yidhi Cali Guray.
 
 
 
 
 
Cali Guray oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaanay Qawlka Madaxweyne Siilaanyo iyo ficilkiisu islahayn “Waxaa nasiib daro ah,Madaxweynaha qawlkiisa markaanu eegno,waxa uu yidhi “Anigu wakhtigii la ii igmaday Maalin ku dari maayo” saw madaxweyneheenii maaha oo inaynu rumaysano maaha.intaas oo jeer buu ku celiyay oo intaas oo Safiir baa soo maray oo cid walba wuxuu u sheegay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayso,diyaar uu u yahay,kaalmuu waydiistay waa laga aqbalay, waana Qawl.
 
 
 
 
 
Ficilkiisu muxuu noqday, waa kaas doorasho diidka ah, qowlkiisuu waa doorasho doon,ficilkiisiina waa doorasho diid, dee dhinac ha iskugu guuro oo ama Xirsi iyo Cali Mareexaan iyo Balaaki ha dhegaysto cid u nasteexa malaha malaha Ninkuye,wax u tudhayaane ma jiree ama Umadda ha soo raaco oo cida u nasteexa ah wax ha ka dhegaysto” ayuu yidhi Cali Guray
 
 
 
 
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde,ayaa isna Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay waxaanu Xukumadda ku eedeeyay inay dibindaabayaynayso diyaar garawga doorashada. Waxa uu sheegay inaanay jirin wax ka khaldan Xeerka Diwaangalinta ee Muranku ka taagan yahay.
 
 
 
 
“Xeerkan wax allaale wax dhib ah oo ku jirtaa ma jiro, halkee lagu dhamaystaa arinta, waa Gole wakiilo, Guriga Saylici lagama hadleene waxaa lagu dhamaysan lahaa Golaha wakiilada wixii golaha khuseeya.Golaha wakiilada waa la iskugu yeedhay Shir baa la qabtay maxay u diidayaan may waxay hayaan halkaas ka sheegaan?, maxay u diidayaan in la Ansixiyo Komishanka la magacaabay ee loo lugaynayaa?waxa meesha ka socdaa waa inaan doorasho dalkan ka dhicin oo faraha la iskula tago laakiin,umadda waxaanu ugu baaqaynaa nabad galyadaas ay inoogu yimaadeen inay inagaga tagaan oo aynu ilaashano” ayuu yidhi Mr Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa