“Ma Jirto Wax Faro-gelin Ah Oo Ay, Xukuumaddu Ku Hayso Golaha Wakiiladda” Wasiir Cukuse

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir ( Cukuse) ayaa sheegay in aanay Xukuumadd ahaan wax faro-gelin ah ku haynin Khilaafka ka taagan Golaha Wakiiladda, waxaanu xusay in aanay ka qayb ka ahayn Khilaafka u dhexeeya Mudanayaasha Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka ah
 
 
 
 
Wasiir Cukuse oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Wasaarad ahaan ay Shacabka ugu baaqayaan inay qaataan Aqoosniga Muwaadinimadda Somaliland.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Ma Jirto wax faro-gelin ah oo ay Xukuumadda Golaha Wakiiladda ku hayso waxay haysaa dhama-hoodda, waanay dawaynaysaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waa Hogaamiyayaasha qaranka ma jirto wax faro-gelin ah oo aanu ku haynaa Golaha Wakiiladda, Guddoomiye ku xigeenka afaraad ee Xisbiga KULMIYE waa Madaxweyne ku xigeenka, markaa haddii Xisbia WADDANI haddii uu Xisbiga KULMIYE eedeeyo yaanu Xukuumadda ku gal-galan. Axsaabta oo dhan waxaanu ugu yeedhaynaa Dimuquraadiyadda ilaaliya Golaha Wakiiladda-na waxaanu leenanay Dimuquraadiyadii-na ilaaliya Aqlabiyadana Ixtiraama” ayuu yidhi Wasiir Cukuse
 
 
 
Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Baaqa aan u dirayaa waxa weeyaan Diwaan-gelinta Madaniga waxa weeyaan in Qofka Muwaadinka ahi is Diwaan-geliyo waa Baadi-soocdeenii (Sumad) weeyaan waa Astaantii aynu kaga duwanaanaynay Dadka kale waa Tii gaarka u ku ahayd (Muwaadinimada) oo ah inaad yeelato Dal aad leedahay”
 
 
Xisbiyadda Mucaaridka ayaa hore u sheegay in Xukuumadda Somaliland ay faro-gelin Siyaasadeed ku hayso Khilaafka u dhexeeya Mudanayaasha Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka ah.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa