“Madaxweynaha Waxaad Moodaa Qalin Khadkii Ka Dhamaaday,Wuxuu U Baahan Yahay Xanaano” Xildhibaan Cali Aareey

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, isla-markaana ka mid ah Mudanayasha Mucaaridka ah ayaa eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. waxa uu sheegay inuu haatan ka daran yahay Siyaad Barre, isagoo taxay fishilaado siyaasadeed oo Somaliland wajahday intii Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid aha “Siyaad Barre ayaan ka cabanaynaye, waxaa ina helay mid boqol Siyaad inagu noqday oo kuwo yar-yar oo gaagaaban haysta ayaa dalkii u soo baxay.markaa haddii Aayatul Kursi kasta lagu Akhriyana waxba laga qaban kari maayo, ilaa Shacabku yar iyo weyn ay gartaan danahooga oo Nin Caashaqana iska daayaan.Anagu hebel doorta idin ma lihin,kaas Caashaqa idin ma lihin, waxaan leenahay waar dalkii Halis buu ku jiraa” ayuu yidhi XIldhibaan Aareeye.
 
 
 
 
 
Xildhibaan waxa uu intaas ku daray “SNM uun baan ka maqli jiray wuu na kala kaxeeyey, waar ma Ninkan Odayga ah baa idin kala kaxeeyay uun baan Odhan jiray.maanta Somaliland wuu kala kaxeeyey.intuu joogay waxaa dhacday in Cali Khaliif halkaas ku soo dego oo Khaatumo lagu dhawaaqo, waa markii ugu horaysay ee Maamul Somaliland ka baxsan lagu dhawaaqo”
 
 
 
 
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Odaygu( Madaxweyne Siilaanyo)wuxuu ahaa Nin Wanaagsan oo fiican, inta aan ka aqaano,Nin kasta oo wanaagsan waxbaa hela,waxbaa helay Odaygii wax helayba,wuxuuna maanta u muuqdaa qalin khadkii ka dhamaaday .Qalinka khadku markuu ka dhamaadana waa la iska tuuraa.Tuuris uma quudhnee waa Oday soo halgamaye Xanaanuu u baahan yahay oo meel la fadhiisiyo oo bisil la siiyo saddexdaa gaadhina iska wada la yidhaadho oo qoladan sidii Maqaarka kuwadana Iska diidoo haddii aad Axmed-kii la yaqaanay tahay iskaga tag meesha oo Iscasil dantaadu taasbay ku jirtaa oo Cimri kuuma hadhine” ayuu yidhi Xildhibaan Aareeye.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa