Maxaa Laga taggi maxaa se Lala taggi !! W/Q Xuseen Xasan Xuseen.

Tilmaamta Togan ee toolmoon inta badan horseedka u yahay Wargeyska Geeska Afrika ayaa haboon inta kalana inay jidkaa qiyamka wanaagsan ee uu ku shaqeeyo raacaan,
 
 
 
 
Ilaha laga dheegto lagana dheef sado Aqoonta waxay qiimo gaar ah ugu fadhidaa Dad ka hadhsanaya, wuxuu kooga wayni ku kobciyaa kuna beeraa ubad toolmoon, kuwa hormood ka u ah higsiga hiraal ka fog ee horumarka, waxay ku kobciyaan maskax dooda, waxayna ku dhisaan fikir ka caqliyeed si mustaqbal fiican u yeeshaan looga na tuujisto ama laga maalo dheef tii aqooneed ee lagu barbaariyey, inta mudagar tay waxay iyana u tahay maskax dhisid, hadduu jidhku quuto cunto laguna dhiso jimics maskaxduna waxay quudataa kuna kortaa Aqoonta, sidaasuuna uga maarmi karin in akhriska iyo daalacashada aqoonta la gu weeleeyo.
 
 
 
 
Caqliyadda fiicani waxay faraysaa Goobaha noocaas ah in ilaalinteeda wax walba ka horumariyaan, inay ilaaliyaan, kobciyaan, horumarna ku sameeyaan, marna caqli fayoobi farri maayo in ugxaanta soo koraysa waxay quudan lahaayeen cagta laga mariyo, Maktabadda Gaandi waxay ibbo fur u ahayd akhriska iyo daalacashada, waxay hoy u ahayd dhalinyarta Dugsigada, Jaamacadaha iyo inta kale e ehel ka u ah wax akhriska, waxay ahayd Goob tii u horaysay ee Magaaladda Hargeysa yeelato, markaynu ka hadlayno Maktabad bulshada u furan waxaynu ogsoonaanaynaa in cidd gaar ahi lahayn, ganacsi u taagnayn, si gaar ahna loogu tagri falayn, in ay ahayd Goob akhris, laga ergisto, lagu daalacdo Dhiganayaasha(Buugta) laga dheef sanayo Aqoonta.
 
 
 
 
Goobta noocaas ah in sifo sharci daro, xilkasnimo xumo lagu burburiyaayi waxay ayaan darro ku tahay Qaran kan curdin ka ah, waxa laga dheef sanayaana waa darxumo, diihaal ama duruuf qalafsan oo waxbarashadda ku timaad. Akhriste aynu is waydiino cidda uu xil ku ka saaran yahay ilaalinta iyo daryeelka Maktabadda Gaandi ee wehelka/dugsiga u ahayd bulshada qaybaheeda kala gadisan….
 
 
Xukuumadda
 
 
 
 
Xukuumaddu waa awoodda koobaad ee dalka maamusha, waa cidda dadka ugu xil-saaran wabarashada iyo kobcinteedaba, ilaalinta iyo daryeelka hantida Qaran ka, hore ayey nu uga qaylinay, ugu mucaarid nay kuna rid nay Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, waxaynu xilka inay sii haysato uga hor joogsanay dib u dhac iyo ilaalin la’aanta hantida umadda ka dhaxaysa, Xukuumadda Axmed Moxamed markii mucaarid ka ahayd waxay ka mid ahayd inta ugu dhawaaqa dheer ee yurta ka haysay boob ka hantida ma guurtada ah, lakin su’aashu waxay tahay maxaa is-badalay ? sida ugu dhib ka yar ee jawaabta u bixin karaa waxay noqonaysaa ashkhaas ayaa is-badalee nidaam isma badalin, waxaba muuqanaysa in laga sii daray oo meelihii laga xishoon jiray, inta xilkaska ahina ku dhici jirin in maanta loogu badheedho in la iibiyo, haba la iibiyo maxaa lagu badalayaa ayaa iyada lafteeda iswaydiin leh ? Ma bakhaaro iyo meelo mac-macaan ka lagu kaydiyo ayeynu ku doorsanaa oo ku badal naa Goob waxbarasho ? garashada wanaagsani marna ina siin mayso inaynu noqono kuwo caloosha ka tamariya halkaynu caqliga ka tamarin lahayn, waxa la gudboon Xukuumadda inay ka noqoto, joojiso duminta iyo sharci daro ku leexsiga Maktabadda Gaandi, in ayna horseed u noqon docwareemidda waxbarashadda, dibaddana u soo saarin dhalinyarta wax ku akhrisata kagana gabada duruufaha qalafsan ee dalka ka jira kana mid tahay Tahriibka, balwadda iyo waxbarasho xumadda, ha noqonina kuwo raad arooryo dib u raacda, sidii dalkan loo yagleelay haddii aad tirtirtaan waxay idiin ku qormi diiwaan ka, ma aydaan garan waayin 1999 markii Xukuumaddi Moxamed Ibraahim Cigaal (IHUN) uu bixiyey Buqcadda intaas oo faa’ido ah na laga helay in maanta oo 2014 lagu jiro la baabiiyo iyada oo wax lagu badalyna jirin.
 
 
 
 
Bulshada :
 
 
 
Bulshaddu waa inay u halgamaan, una hantaaqmaan badbaadinta Maktabadda Gaandi badhaadhahoogana ka dhiibtaan si ay u ilaashadaan milgaha adduuneed, aqooneed, ruuxeed iyo sharafeed ee ay kuligood wada maagan yihiin inay mar uun mulkiyaan.
 
 
 
 
Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye, Dhashaadeey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide, waa hoggo tusaalayn uu gabyaa Salaan Carabay inagu tusayey in aan xumaha la dugsan lakin ay tahay in laga dhiidhiyo lana horjoogsado, hadday hirgasho waxay bar-bilow u tahay in wax kale oo ka wayni iman doonaan.
 
 
 
Ganacsatadda
 
 
 
Waxa jira wax laga xishoodo, aan wax laga dayin iyo wax bir-magaydo u ah bulshada, ganacsatadu waxa saaran waajibaad, kana saaran Dad ka, waxa jira wax aan la hungurayn, waxa jira wax xurmayn iyo gacan qabasho uga baahan lakin ayna ahayn dhabar-wareemid inay ku sameeyan, ganacsatadu maaha meel walba inay boqcad ka doonaan, dheef ka raadiyaan, mana aha waxa ilaahay siiyey inay ugu hal-qabsadaan miskiin baa leh misko la fuulo, Ganacsadaha Maktabadda Gaandi raba inuu xarun ganacsi u badasho waxaan odhan lahaa ilaahay uga baq ardaydaa yar ee ku manaafacsata hadhkaas, inkaar iyo habaar ha ka shaqaysan Bulshada, ha barako tirin ganacsi kaaga, hana iska fasahaadin lacagta, waad owoodaa inaad meel kale buqcad ganacsi ka dhigato ee kuuma haboona inaad umad dhan nulka aqoonta ka bakhtiiso.
 
 
 
Saxaafadda :
 
Maan kaaga amaah ha galin : Saxaafaddu waa rugni mihim ah una taagan baraarujinta, ilaalinta, isku xidhka danaha Dadka, warar aan jirin iyo dacaayado aan micno dad weynaha ugu fadhiyin ba way faafin ogyihiin ee waxa la gud boon inay qayb ka noqdaan kuwa toosh ka, iyo tilmaamta ku ifiya khaladaadka guracan ee hantida umadda lagu leexasanayo, waa in si wayn qayb uga noqdaan badbaadinta Maktabadda Gaandi si bulshadu u badbaado.
 
 
 
Tilmaamta Togan ee toolmoon inta badan horseedka u yahay Wargeyska Geeska Afrika ayaa haboon inta kalana inay jidkaa qiyamka wanaagsan ee uu ku shaqeeyo raacaan, maaha in wanaaga iyo sharafta qaranimo qabax yar la dhaafsado, toosnaanta waa la sheegaa hadday dacar ka qadhaadhahay.