“Shacabku Maalin Keliya Ayay Xuquuq Leeyihiin, Taasna Waa Loo Diidan-yahay Oo Waa Laga Qaadayaa” Xildhibaan Rayte

Hargeysa  (Berbera news)  Guddoomiyaha Guddidda Arrimaha Guddaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland  Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte ) oo ka mid ah Mudanayaasha  Golaha Wakiiladda ee Mucaaridka ah, isla markaana ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaamyo ku eedeeyay in ay waddo sidii ay doorashada dib ugu dhigi lahayd isal markaana ku eedeeyay in ay faro galin ku hayso golaha wakiilada oo ay shaqadoodii ku haysato.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xukuumaddu waxay is hor taagtay in ay ka soo xaadiraan fadhiga aan caadiga ahayn ee golaha Wakiilada oo lagu ansixin lahaa Guddiga Doorashooyinka isla markaana lagaga wada hadli lahaa Miisaaniyadda dalka ee sanadka 2015 oo ah shaqooyinka ugu waawayn ee golahan ay shacabku u doorteen in ay ka shaqeeyaan,sababtoo ah midna waa miisaaniayda sanadeedkii dalka midna waa guddigii doorashooyinka Qaranka oo aanay la,aantood doorashooyinku inoo qabsoomayn,waxaa kale oo ay guddiga cusub ee doorashooyinkana ku war galisay in ay ka maqnaadaan golaha.’ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.
 
 
 
 
Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray “Shicibku xuquuqda kaliya ee ay leeyihiin waa maalinta ay fartooda ku dooranayaan cidda ay taladooda iyo hogaankooda ku aaminayaan waxaa kaliya ee sidaa ay Xukuumaddu u yeelaysaana waa in ay maalinta kaliya ee ay shicibku xuquuqdooda aasaasiga ah ay ka talin karayaan in ay ka qaado. Waxaa kale oo uu sababeeyay waxa ay xukuumaddu sidan uu sheegay ay u yeelayso oo uu tilmaamay in ay tahay in cid aan shicibka ahayni in ay ka taliso oo ay hoggaanka dalka u dhiibto cid aan loo igman.”
 
 
 
 
 
Xildhibaan Ibraahin Rayte oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxa la doonayaa in ay hoggaanka dalka cid gaar ahi ka taliso cidda qabanaysa oo ah Guurtida o samanaysa muddo kordhin muddo kordhinina waxay ka hr imanaysa xuquuqda aad bulshooy u leedihiin in aad wax doorataan soona xulataan hoggaanka dalka aad ku aamiinaysaan,hadaba waxaan idiin sheegayaa in aaanay Xukuumaddu diyaar u ahayn in ay doorasho qabato,waxay is hor taagtay xeer sharci oo golaha ka baxay una gudbay golaha Guurtida,waxay ka hor timi in guddiga sucub ee doorashooyinku hor yimaadaan golaha wakiiladda,waxaa guriga Madaxweyne ku-xigeenka lagu shiriyay xildhibaanno iyo Wasiiro waxaana lagu qaatay go,aanka ah n aan laga qayb galin fadhiga golaha wakiilada ee aan caadiga ahayn,hadaba waxaan bulshada u sheegayaa in aanay jirin gole wakiilo oo is haysta laakiin waxaa is haysta oo faro galin doorasho diid ah wadda Xukuumadda.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.