“Siilaanyo Qabiili-nimadda Iyo Qaranimadda, Qabiili-nimadda Ayaa Ku Weyn” Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabad-gelyadda Golaha Guurtidda Somaliland Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa sheegay in Khilaafka ka taagan Golaha Wakiiladda aanu ku koobnayn Xeerka Diwaan-gelinta Madaniga ah ee ay isku hayaan Mudanayaasha Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka ahi, balse uu salka ku hayo Loolan Siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
 
 
 
 
Xildhibaan Obsiiye oo maanta qaar ka mid ah Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in uu xog-ogaal u yahay Siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Saxaafadda waxaan Maanta u cadaynayaa, anaguna aanu ognahay , Xisbi ahaan u ognahay waa Siilaanyo oo u qaadan-waayay waxa meesha yimid ee ha u qaadanina in Baarlamaanku is-hayo taan doonyo inaan cadeeyo waa taas. Waa laba jir Xisbiga WADDANI Nin meelaha qaar uu gaadhaynaana uu Siilaanyo is-lahaa maaha (Guddoomiye Cirro) war-war-baa ku yimid Madaxweyne Siilaanyo oo wuu u qaadan laa’yahaye la isma-hayo, Golaha Wakiiladda gud   ihiisu-na isma hayo, Guddomiye Cirro wuu og-yahay halka laga qaniinsan-yahay , anaga oo Maanta doonayna Kursiga Siilaanyo haysto halka laga qaniin-san yahay wuu og-yahay Cirro. Todobaad walba Shir Jaraa’id baan qabanayaa si aan arrintaasi u xaqiijiyo oo Cudurku yahay mid u dhexeeya Cirro iyo Siilaanyo” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha Golaha Guurtiddu.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiya waxa uu intaas ku daray “Mid-baan idiin Caddaynayaa Siillaanyo waa Hoggaamiye Qaran, Hoggaamiye Qabiil maaha. Siilaanyo Qabiili-nimadda iyo Qaranimadda, Qabiili-nimadda ayaa ku weyn taa dembi la iga qori-maayo 1954-kii baan Siyaasadda galay ilaa Maalintu 64-kii Tacaliinta soo dhamaystay Nin Talaabaddiisa la socday baan ahay , Kurisga iyo Qaranimadda Kursigaa ku weyn. Siilaanyo uma muuqato halka uu taagan-yahay laakiin wax ka sokeeya ayaa u muuqadda waxaanu iska filayn oo ku soo baxay-baa u muuqadda”
 
 
 
 
 
 
 
Xildhibaanka oo Warbaahintu weydiisay warar sheegay in Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu uu Siyaasadd ahaan la saftay Xukuumadda, waxa uu ku jawaabay “Golahayagu siddan qoladan kale (Golaha Wakiiladda) uu-baanu nahaye oo Ceebtayadda ayuun-baan dibada u saarine xaga awoodda iyo xaga jirtaanka ma dhaano. Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtidda) waa Nin Siyaasi ah waa Nin soo jireen ah , waa Nin ku dhac leh, waa Nin wuxuu doono sameeya, Saleebaan taladdii waxay kaga soo ururtay adiga iyo Siilaanyo ha is-qabsanina wax aragti ah oo intaas dhaafsiisani ma jiraan “
 
 
 
 
 
 
 
 
Halkna ka daawo.

 
 
 
 
Berebra news/Hargeysa