Ururka Midowga Yurub Oo U Digay Maraakiibta Isticmaasha Xeebaha Somalia

Hargeysa (Berbera news) Kulan lagaga hadlayay arrimaha Budhcad-badeedda ee lagu qabanayo Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa soo baxaya digniinno kala duwan oo loo jeedinayo Maraakibta ganacsi ee isticmaala xeebaha Somalia, isla markaana waxaa loogu baaqay in khatar sare ay wali ka jirto Somaliya.
 
 
 
 
 
Maadama ay is-dhimeen weerarardii Budhcad badeedda ayaa la sheegay in Maraakib fara badan ay bilaabeen adeegsiga xeebaha Somaliya si ay u yareeyaan lacagaha ku baxaya safarkooda ,waxaana taasi ay keentay in baaqayo kala duwan laga soo saro.
 
 
 
 
“Ilama wanaagsana in la arko shirkadaha Maraakiibta oo si xawli ah u isticmaalaya Badda Somaliya “ayuu yidhi Alessandro Mariani oo ah Diblumaasi ka tirsan ururka Midowga Yurub ,isaga oo xusay in wali amniga badaha Somaliya aan la isku halayn Karin.
 
 
 
 
Xubno kala matalaya 60 dal oo Adduunka ah iyo in ka badan 20 hay’adood oo caalami ayaa ku sugan Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka si looga hadlo arimahan ,waxaana lagu wadaa in si qoto dheer loo sharaxo Budhcadda iyo sida awoodahooda wali jira loo dhimi karo.
 
 
 
“Weli waxaa Badaha Soomaliya ka jirta khatar aad u saraysa ,waa inaad arintaas hubisaaan isagana fogaataan Xeebaha wadankaas “ayuu yidhi Ulrich Brosowsky oo kamid ah hogaanka ciidamada Midowga Yurub ka jooga badaha Somaliya.
 
 
 
 
Sanadkii 2009-kii waxa xeebaha Somaliya lagu afduubay Maraakiib tiradoodda lagu qiyaasay 51, halka Sanadkii 2012-kii-na la afduubay todobo Markab oo kaliya ,waxaana Sanadkii la soo dhaafay ay tiradu gaadhay eber ,mana jirin wax markab oo ay kooxuhu soo afduubeen.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa