Madaxtooyadda Oo Afkaar Ay Guul-daro Ka Muuqato Ku Weeratay Siyaasadda Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Berbera news) Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa Siyaasadda Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku tilmaamay mid aanu ku hoggaamin-karin Golaha uu Masuuliyadoodda igaman-yahay.
 
 
 
Mr Dhuxul oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Madaxtooyadda ayaa waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiye Cirro uu is-daba marin ku sameeyo Xeerarka Golaha Wakiiladda loo soo gudbiyo.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xeerkii Goluhu ka dooday in inta wax laga bedelo loo gudbiyo Guurtidu waa Ayaan daro, waa dhacdo taariikhi ah,waligeed may dhicin in xeer la ansixiyay wax laga bedelo.Xeerarka waxaa loo sameeyaa in Qarankan iyo kuwa dhuuxeena ku jira inay anfacaan oo hadhaw ay ku dhaqmaan.waxaa Ayaan daro ah in Xeerarkii ay ahayd in Qaranka loo dhigo in la doonayo in Gudoomiye Cirro leekaysiiyo Shaadhka Xisbigiisa waddani”
 
 
Waxa uu intaas ku daray “Waxaa Muuqata In Guddoomiye Cirro Maamuli Kari waayay 82 Xildhibaan oo Aqlabiyadii Goluhu ka soo horjeedo.waxay Shacabku Isweydiinayaan Ninka 82 Mudane Maamuli kari waayay sidee buu u maamuli karaa Qaranka uu doonayo inuu Madaxweyne ka noqdo” ayuu yidhi Mr Dhuxul.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa