Madaxweyne Siilaanyo: Muxuu Odayaal Ayga Kaga Tagay

Hargeysa (Berbera news) Waxaanu halkan ku soo gudbinayaa qaar ka mid ah raggii sida weyn ula soo halgamay Madaxweyne Siilaanyo, waagii uu ku jiray ololihii doorashada madaxtooyada ee uu ku guulaystay. Hase yeeshe aan hadda ka ag dhawayn kagana maqan tabasho iyo kala fogaansho ay siyaasadiisu sababteeda leedahay. Raggan qaar ka mid ah inta uu Madaxweynuhu xilal u magacaabay ayuu haddana ka qaaday, qaar ka mid ahina iyagaa iska casilay xukuumadiisa, halka qaarkoodna uu aygga kaga tagay islamarkaana aan laga qayb gelin talada guushii ay u soo dhabar adaygeen.
 
 
 
 
Xuseen-Xoog: wuxuu ahaa mid ka mid ah dhakhaatiirtii caafimaad ee sida weyn u garab istaagay Madaxweyne Siilaanyo, una badheedhay inay si cad u taageeraan. Inkastoo uu Wasiirka caafimaadka noqday markii madaxweynuhu guulaystay, haddana hanaan aan qurux badnayn ayaa xilka looga qaaday, iyadoo ay weliba dadweynuhu gudashada shaqadiisa ku ammaaneen. Hadda wuxuu weli ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE, waxaana lagu xasuustaa inuu yahay wasiirkii hirgeliyay mishiinka kelyaha safeeya ee cisbitaalka Hargeysa.
 
 
 
Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamajre: Wuxuu ahaa guddoomiyihii KULMIYE ee gobalka Hargeysa, waxaanu ahaa mid ka mid ah raggii naftooda u huray sidii uu Madaxweyne Siilaanyo u noqon lahaa madaxweynaha qaranka, una bedeli lahaa Daahir Rayaale Kaahin. Xamarje inkastoo uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Badhasaabka Maroodijeex iyo Togdheer, haddana ugu dambayn Mr. Xamarje ayaa xilkaas iska casilay, waxaanu hadda ka mid yahay dadka aan madaxtooyada laga jeclayn.
 
 
 
Dr. Gabose: Ka dib guushii uu Madaxweyne Siilaanyo gaadhay waxa uu noqday wasiirkii u horeeyay ee arrimaha gudaha. Waxase uu xilkaas iska casilay ka dib markii ay dagaalo kaga bilowdeen madaxtooyada iyo meelo aan ka dheerayn. Wuxuu markii dambe u hawlgalay inuu furo urur siyaasadeedkii Umadda, balse xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay la gashay dagaal toos ah, waxaanu halgankii uu u galay in Siilaanyo guulaysto loogu bedelay in ururkiisii uu hadho. Dr. Gabose ma helin abaal-gudkii siyaasadeed ee ka dhashay dagaalkii uu la galay Daahir Rayaale Kaahin. Taas bedelkeedna wuxuu abaal u helay dagaalo siyaasadeed.
 
 
 
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi: Wuxuu ahaa rafiiqii Dr. Gabose, waxaanu markii uu KULMIYE guulaystay noqday wasiirka maaliyadda Madaxweyne Siilaanyo. Muddo yar oo uu joogay wuxuu 100% kordhiyay mushaharka shaqaalaha dawladda, isagoo balan qaaday inuu halkaas ka sii wadi doono sannad walba mushahar kordhinta. Wuxuu si deg deg ah u kordhiyay una kobciyay miisaaniyadda qaranka. Laakiin Maxamed Xaashi, goor aan hadhna ahayn habeena ahayn ayaa si fudud xilkii looga qaaday iyadoon wax sabab ah loo samayn. Ilaa hadda waxa ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku faantaa inay waxbarashada bilaash ka dhigtay, mushaharka shaqaalaha dawladdana kordhisay. Laakiin labadan guuloodba ninkii keenay wuxuu ku jiraa kaymaha, waxaana weliba hadh iyo habeen maal lagu bixiyaa sidii loo eedayn lahaa.
 
 
 

  1. Xildhibaan Rayte: Waa siyaasiyiinta tirada yar ee ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo ee aan muxaafidka ahayn, waxaanu wakhtigan ka tirsanyahay xisbiga Waddani. Xildhibaan Rayte, oo ah aqoonyahan shuruucda bartay, waxa uu qayb libaax ku lahaa guushii Madaxweyne Siilaanyo. Laakiin tan iyo maalintii uu Madaxweyne Siilaanyo madaxtooyada ku fadhiistay, wuxuu halkii Rayte ku bedeshay rag iyo kooxo kale oo aan marna ololihiisii gelin taageero la mid ah amaba u dhow midkii xildhibaan Rayte ka gashay. La soco cadadka dambe shakhsiyaad kale oo abaal ku lahaa Madaxweyne Siilaanyo balse aan hadda ka ag-dhawayn oo aygga ku jira, kuwaas oo ay halkoodii galeen dad ay waayadaas iska soo horjeedeen oo u badnaa raggii taageersanaa xisbigii UDUB.

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa