Xildhibaan Dayib Xasan Boobe Oo Ka Hadlay Xeerka Khilaafku Ka Taagan-yahay Ee Ay Golaha Guurtiddu Hakiyeen

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Dayib Xasan Boobe oo ka mid ah Mudanayaasha Guurtida ayaa sheegay inuu khaldan yahay hanaanka Shir-gudoonka Guurtidu u hakiyay Xeerka Diwaangalinta Madanig ah.waxa uu sheegay inay ahayd In Guurtidu Xeerkaasi ka shaqayso kana saarto wixii Bulshada iyo dalka ku khaldan balse aanay ahayn in Golihii uu ka yimid lagu celiyo.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Saddex xeer mooyaane, Xeerarka oo dhami Golaha guurtida, Xeerka Golahan ka yimaado waxaanu Guurti ahaan xaq u leenahay inaanu eegno.wixii markaa ku khaldan ee aanu u aragno inay dadka iyo dalkaba khalad ku tahay inaanu wax ka bedelo ayaanu xaq u leenahay.markaa anigu rayi ahaan xeerkii golaha wakiilada ka yimid inaanu ku celino ilamay ahayn.waxay ahayd inaanu saxno oo wixii ka khaldan hagaajino” ayuu yidhi Xildhibaan Dayib
 
 
 
 
XIldhibaanku waxa uu talo u soo jeediyay Mudaneyaasha Wakiilada ee Muranku ka dhexeeyo “Waxaan talo waayeel u jeedin lahaa,maadaama aad tihiin Golihii Xeer dajinta ee dadku soo doortay waa inaydaan Miiska iskugu soo fadhiisan.sidan imika loo wado ee miiska la iskugu soo fadhiisanayo ee hebel baa sidan yidhi iyo hebel baa sidan yidhi la leeyahay dadkiina idin daawanayaa ma wanaagsana,Dadkana uma wanaagsana,dalkana uma wanaagsana,idinkana idiinma wanaagsana.waad ogtihiin in doorashadii wax yar ka hadhsan yihiin markaa dalku qas iyo qalalaase uma baahna” ayuu yidhi XIldhibaanka oo u waramay Tv-ga Istar.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa