Xoghayaha Guud Ee Qaramadda Midoobay Oo Safar Ku Tagay Muqdisho + Sawirro

Hargeysa (Berbera news)   Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-mooniyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka Jim Yong Kim ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee Magaaladda. Labadan masuul ayaa ku jiray safar ay ku marayaan qaar kamid ah dalalka Afrika oo ay ka taagan tahay dhibaatada dilaaga EBOLA, waxaana ay maanta booqdeen Dalka Kenya gaar ahaan xerada qaxootiga ugu badan ay ku jiraan ee Dhahdhaab.
 

 
 
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa ku soo dhaweeyey garoonka Saraakiil ka tirsan AMISOM, Shaqaalaha xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Saraakiisha ciidanka Soomaaliya, kama dhex muuqan soo dhaweynta saddexda nin ee u sareeya Xukuumadda Federaalka, waxaana keliya oo lagu dhex arkaayey qaadashada Salaanta Raysal-wasare kuxigeenka ahna Wasiirka Awqaafta Ridwaan Xirsi.

 
Ban Ki-moon ayaa dhex lugeeyey garoonka diyaaradaha, isaga oo salaan ka qaatey cutub ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobbey.
 
Xoghayhaya Guud ee Qaramada Midoobey Madaxweynaha Banigiga Aduunka iyo masuuliyiin ka socdey Midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa shir kula qaatey Madaxda Soomaalida Garoonka Adan Cadde, waxaana shirka wada joogey Madaxweynaha Raysal-wasaaraha iyo Guddoomiayah Baarlamaanka, waxaana shirka muhimadiisa loogu yeedhay dib u dhiska Soomaaliyada cusub.
 
Booqashadan Ban kii Moon ayaa ku soo beegmeysa xilli Dowladda Federaalka ah uu ka dhex aloosan yahay khilaafkii caadada u ahaa muddooyinkii la soo dhaafey ee sanadkasta mar ka dhex qarxi-jirey Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha, waxaana khilaafka hadda ku dhexjira xalintiisa xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya.
 
Ma ahan markii u horerysey ee Ban Ki-moon oo booqdo Soomaaliya sanadkii 2011 ayay ahayd markii uu booqasho ku yimid Muqdisho xiligaas oo Koonfurta Soomaaliay ay ka taagneyd macaluul dad badan u dhinteen.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa