“Dawladda KULMIYE Ha Ogaato In Hantiddii Umadda Ee Lagu, Aaminay Ay Boob Qaawan Ugu Badheedhay” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa (Berbera news) Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa hadlay Iibka la sheegayo in Xukuumaddu ay ka iibsay Ganacsade dhismihii Makatabada Gandi, waxaanu sheegay in dhismayaasha dawladu ay yihiin hanti la wada leeyahay, isla-markaana aanay iib gelayn, waxaanu sharaxay waxyaabaha uga qorshaysan ilaalinta danta guud hadii ay talada wadanka ku guulaystaan.
 
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay Qoraal Kooban oo uu soo dhigay Barta ay Bulshaddu ku wadda-xidhiidho ee Facebook , waxaanu u dhignaa qoraalkaas sidan:-
 
 
 
“Somaliland waa dal danyar ah oomana ogolaan doono in dadka dalka talladiisa haya ay boobaan hantidii Ummadda ee iyaga lagu aaminay.
 
 
Waxaanu ganacsatadda uga digaynaa qofkii la siiyo hanti ay ummaddu leedahay oo sifo sharci daro ah u qaata in lagaga daba iman doono, oo ay iyaga laftigooda ku haboon tahay inay ka waantoobaan.
 
 
 
Dawladda Siilaanyo way tegi doontaa oo dawlad kale ayaa iman doonta inshallah (ama UCID ha noqoto ama Waddani ha noqotee), dawladaasina kolay wixii hanti ummadda ah ee la boobay waa lagaga daba tegi doonaa kuwa boobay.
 
 
 
Dawladdan Kulmiye ha ogaato in hantiddii ummadda ee lagu aaminay inay boob qaawan ugu badheedhay.
 
 
Ganacsatadda Somaliland ee sharafta leh ee shillinkooda xalaal ku helay inaanay iska kharibin oo indhaha dadka isku soo jeedin.
 
 
UCID siyaasadeeddu waa in hantidda ummadda la ilaaliyo; iyo weliba anagoo si xoogan ula shaqeyn doona Ganacsatadda dalka oo dhan ku yar iyo ku weyn si uu ganacsigoodu u kori lahaa maadaama ay yihiin iyagu kuwa shaqooyinka abuura.
 
 
Shakhsiyaadka xukuumadda ka tirsan ee iyaguna guriyaha dibadda ka dhisanaya ee ku kibraaya xoolaha ummadda ha ogaadaan in Ilaahay, Ummadda, iyo anaguba aanu isha ku hayno. Ilaahay wanaaga hayna garansiiyo”.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa