Hargeysa: Xukuumadda Oo La Sheegay Inay Xaafadda Linka Booliska Ka Iibinayso Ganacsadde Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Hargeysa (Berbera news) Xaafada Liinka Bilyaska ee magaalada Hargeysaa ayaa la sheegayaa in Nin ganacsade ah oo ka mid ah ganacsatada Somaliland ay Xukuumadu ka iibinayso wararku waxay intaa ku darayaan in dadka degan xaafada Liinka Booliska lagu war geliyay in la iibinayo dhulka isla markaana waxay xaqa u leeyihiin la siin doono madaama ay mudo dheer daganayeen una badan yihiin Xasaasaska Booliska Somaliland.
 
 
 
 
Warar xog-ogaal ah oo Wargeyska Waaheen helay ayaa sheegay in Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo booqday xaafadaasi Linka bilayska inuu shirar la yeeshay dadka dagan xaafadaasi isagoo u sheegay in xukuumadu dhulkaa Iibinayso madama uu dhulku yahay dhul dawladeed waxanu u cadeeyay in madaama ay mudo dheer daganayeen dhulkaasi aanay dawladu iloobayn abaalmarinana la siin doono.
 
 
 
Arrintan ayaan ahayn mid cusub maadaama Madaxweynaha Somaliland uu hore u sheegay in dhulka danta guud ay xukuumadu Iibinayso islamarkaana qasnada dawlada ku dhici doonto lacagtu
 
 
 
 
Dhulkan ayaa ah dhul muhiim ah oo ku yaala badhtamaha Magaaladda Hargeysa, waxaana dhawr jeer oo hore u dalbaday in lagu wareejiyo Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) oo doonayey inuu ka dhigo istaanka Basasbka ee Magaalada Hargeysa, iyada Basaska rakaabka ee Magaalada Hargeysi si qaab daran u daadsan yihiin magaalada, codsiga Maayirka ayaa haaddii la ogolaan lahaa wax badan ka tari lahayd bilicda caasimada.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa