Imaaraadka Oo Ka Digay Xidhiidh Dhex-mara Ururka Daacish Iyo Al-Shabaab

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdilaahi bin Zayed Al-Nahyan ayaa ka digay xidhiidh dhex-mara kooxda Daacish (ISIS) iyo Ururka Alshabaab, isagoo sheegay in loo baahan-yahay in laga hor-tago xidhiidh dhexmara labadan kooxood.
 
 
 
 
Wakaaladda AP ayaa qortay in ururka ISIS oo maamula dhul ballaadhan oo ku kala yaala Ciraq iyo Suuriya iyo Al-shabaab inay ka siman-yihiin inay xidhiidh la leeyihiin Al-qaacida iyo sidoo kale Qaraxyada loo adeegsado Gaadiidka laga soo buuxiyo waxyaabaha qaraxa, is-qarxinta iyo weerarada Dadka Rayidka ah lala beegsado.
 
 
 
“Runtii cabsi weyn ayay nagu haysaa xidhiidh dhex-mara Mustaqbalka Daacish iyo Al-shabaab, taas oo caqabad weyn ku noqon karta dalal badan oo Afrika iyo Jasiiradda Carabta ku yaalla,” ayuu yidhi Sheekh Cabdilaahi oo hadal ka jeedinayay shirweynaha ka-hortaga budhcad-badeedda oo ka socda Abu-Dubai.
 
 
 
 
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in labadan Urur uu xidhiidh dhex-mari karo, inkastoo haatan ay si kala gooni-gooni ah u shaqeeyaan, isagoo xusay inay dhici-karo haddii uu xidhiidh dhexmaro inay dhibaatooyinkooda ku baahiyaan dalal badan oo Afrika iyo Bariga dhexe ku yaala.
 
 
 
“Waa inaan muujinnaa sida aan Diyaarka ugu nahay ka hor-tagga arrintaas; haddiiba ay dhacdo. Waana inaan hor-joosanno in xidhiidhka noocaas oo kale ah uu dhaco,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
 
 
 
 
Sheekh Cabdilaahi waxa kale oo uu xusay inay jiraan arrimo xidhiidhkaasi inuu dhici karo tilmaamaya, isla-markaana ay imaan karto in Al-shabaab iyo Daacish uu dhexmaro xidhiidha ah inay isku bahaystaan Dagaalada ay haatan wadaan.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa