Taliyihii Booliska Somalia Oo Ku Geeriyoodday Muqdisho

Muqdisho (Berbera news) ALLE ha u Naxariiste waxa Magaaladda Muqdisho ku Geeriyoodday Taliyihii Booliska Somaliya Gen. Maxamed Xasan Ismaaciil, iyadda oo Dawladda Somaliya-na ay Guddi u saartay aaskiisa , waxaanay wararku sheegeen in taliyaha uu geeriyooday xanuun si kadis ah ugu soo booday.
 
 
 
 “Qof kasta wuu dhimanayaa, geeridu-na waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan xukuumadda iyo tan shacabka Soomaaliyeed waxaan ALLE uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamadda booliska Somalia, isla markaana qayb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabaynta ciidanka booliska,” ayuu yidhi Cabdiweli Sheekh
 
 
 
Sidoo kale Raysal-wasaaraha ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah oo ka kooban shan oo baadhtaan ku soo sameeya Geeridan kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliiska Somaliya.
 
 
 
 
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo saraakiisha, saraakiil xigeenka, alif-leyda, dableyda booliiska iyo intii asxaabta la ahayd taliyaha booliiska Soomaaliya, isagoo xusay inay ALLE uga rajaynayaan inuu u naxariisto.
 
 
 
Marxuum Maxamed Xasan Ismaciil ayaa ka mid ahaa saraakiishii dowladdii kacaanka, waxaana sannadkan si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha booliiska Soomaaliya, isagoo xilka kala wareegay taliyihii ka horreeyay Gen. Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.