Warbixin Iftiiminaysa Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil Ee Shaqadda Qaranka Ka Soo Baxay Iyo Kuwa Ay Dhaliiluhu Dul-hooganayaan

Hargeysa (Berbera news) Warbixintani waxay ka hadlaysaa Masuuliyiinta deegaan ahaan ka soo jeeda Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil ee shaqadda uu Qaranku u igmadday ka soo baxay iyo kuwa ay dul-hoogaynayaan Maamul-xumaddu ee daayacay Masuuliyadda ay Bulshadda hayaan.
 
 
 
 
Warbixintan ayaa waxa ay maanta ka hadlaysaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Xaaji Cali Shirre oo bishii July ee Sanadkii 2010-kii loo magacaabay Wasaaradda Qorshaynta ayaa muddadaasi waxa uu sameeyay Nidaam uu soo maro Dhaqaalaha Waddamadda iyo hay’addaha Somaliland Ka Teegaara Arrimaha Horumarinta ay Somaliland u soo mariyaan Dhaqaalaha ay kaga Taageerayaan Dhinacyadda Caafimaadka iyo Adeegyadda Aasaasiga ah ee Bulshadda.
 
 
 
 
Wasiir Sacad ayaa Muddadii uu xilka Wasaaradda Qorshaynta Masuuliyadeedda igmanaa waxa uu dalka guddihiisa iyo dibadii-saba kulamo kula yeeshay Waddamada Somaliland ka Teegaara Horumarinta, isaga hor-dhigay Shuruuddo ay ka mid-yihiin in Dhaqaalaha ay Somaliland siiyaan Dawlad ahaan ay si toos ah u soo mariyaan, waxaanu sidoo kale qayb-weyn ka qaatay aasaaska Sanduqa loo yaqaano Somaliland Development Fund (SDF) ama Sanduuqa Horumarinta oo Wamaddo ka tirsan Midowga Yurub ay Somaliland ka Taageeraan.
 
 
 
Wasiirkan ayaa Qiimayn kala duwan oo ay sameeyeen Warbaahinta Somaliland iyo kuwa Ajaanibka ahi- waxay ku sheegeen in Wasiir Sacad Cali Shire uu ku guulaystay Masuul si hagar la’aan ah uga soo baxay Masuuliyadda uu hayo, iyadda oo Shir ka mid ah kuwa ay iskugu yimadaan Golaha Wasiiraddu uu Madaxweyne Siilaanyo Wasiiradda u soo jeediyay inay raacaan Wadda uu Shaqaddiisa kaga soo baxay Wasiir Sacad, waxaana sidoo kale Dr Sacad aan lagu arkin Fagaarayaasha Siyaasadda ee Masuuliyiinta Xukuumadda ay kaga Jawaab –celiyaan Dhaliilaha Siyaasiyiinta iyo Axsaabta Mucaaridku Xukuumadda u jeediyaan.
 
 
 
Warbixintan ayaa waxa Cadadkeedda dambe aanu ku soo qaadanaynaa Masuuliyiinta kale ka soo jeeda Gobolka Saaxil ee Xilalka kala duwan ka haya hay’addaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa