Wasiir Samaale Oo Amaanay Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo Xili Xukuumadda Lagu Eedaynayo Carqaladaynta Doorashada Iyo Musuq-maasuq

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo yahay hoggaamiye wanaagsan oo horumar gaadhsiiyey dalka, ummaddana u ilaaliyey hantida iyo xoolahooda.
 
 
 
 
Wasiir Samaale oo hadal ka jeediyey xaflad lagu qabtay xarunta Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa shalay, laguna soo bandhigay buug laga qoray marxuum Yuusuf Xaaji Aadan Qabile oo ka mid ahaa aasaasayaashii tacliinta Somaliland, waxa uu sheegay in aannu madaxweynuhu u jaabi doonin dadka dhalliila oo uu xusay inay hadalo cay iyo aflagaado ah caadaysteen.
 
 
 
“Madaxweynaha ma waxaa wax ka sheegaya mid aan la garaneyn waxa uu yahay iyo wax uu dalkan u qabto, madaxweynuhu u jawaabi maayo dadka caadaystay inay cay iyo qabyaalad ummaddan ku jahowareeriyaan, laakiinse waxaannu kaga jawaabaynaa ficil iyo waxqabad muuqda…Madaxweynuhu waa hoggaamiye wanaagsan oo ummadda xoolaheeda u ilaaliyey, waxna u qabtay oo horumar gaadhsiiyey,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.
 
 
 
Wasiirka oo ka hadlay is-beddelka miisaaniyadda eek u yimi muddada xukuumadda KULMIYE talada dalka haysay, waxa uu yidhi; “Miisaaniyadda qaranka waxaannu ka soo qaadnay $47 milyan oo doollar oo ay joogtay markii aannu xilka la wareegnay, waxa aannu hadda gaadhsiinay $200 milyan oo doollar.”
 
 
 
Waxa kaloo uu tilmaamay in hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo tahay mid wanaagsan oo horumar gaadhsiisay dalka Somaliland, isla markaana taariikhdu xusi doonto sida uu ugu shaqeeyey dalka iyo dadkiisaba muddada uu xilka hayey, waxaannu xisbiyada mucaaridka ah kula dardaarmay inay joojiyaan aflagaadada iyo weerarka shaqsi cayga ah oo uu xusay inay caadaysteen, lana shir yimaadaan wixii ay ummadda u qabanayaan haddii talada dalka loo doorto.
 
 
 
Wasiirka Maaliyadda, ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Siilaanyo garab taagan tahey dhallinyarada, waxaannu yidhi; “Waad aragtaan sida wanaagsan ee xukumadeennu u garab taagan tahay u lana shaqeynayso dhallinyarada Somaliland.”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa