Xildhibaanka Ugu Muxaafidsan Golaha Wakiiladda Oo Eedo U Jeediyay Xisbiga WADDANI Iyo Mudanayaasha Mucaaridka Ah

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga KULMIYE oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa , isla-markaana ka mid ah kuwa sidda indho la’aanta sax iyo khalad-ba Taageeradda ugu muujiya Hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa eedo u jeediyay Mudanayaal uu ka mid ahay Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo uu Hoggaamiyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xisbiga WADDANI uma baahna Shacabka Sool iyo Sanaag ayuu dadkii tusay,Markaas dadkii Odayaasha ahaa ee laga soo doortay Gobolka uu yidhi Somaliland maaha waa Nuqsaan Xisbiga WADDANI la kawsatay, lakiin anagu haddaanu nahay KULMIYE kama maarano Shacabka reer Sool, waxaanan leenahay anaga ayaa idin garab-taagan
 
 
 
 
“Waxaanu leenahay Siciidow (Xidhibaan Siciid Cilmi Rooble) maanta dalka AMISOM ayaad u soo hogaamisay looma baahna Somaliland way isku filan-tahay,kuwii ay la joogeen ayaa ka qaylinaya, Nabada-galiyana waanu haysanaa, Madaxwaynahina waa kii Shalay Magaalada nala lugaynayay markii la furayay Wasaarada Xanaanada Xoolaha” ayuu yidhi Xildhibaan Nac-nac
 
 
 
 
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay Guddoomiye Ciro waa Guddoomiyahayagii wax-badana GuDdoomiye ayaa uu noo ahaa,waxba laga keeni-maayo wax Xeer,lakiin waxaanu leenahay iska sax uun Xeerkii aad Khadaladay,lakiin wax Mooshin ah oo Xildhibaanadu kaa keenayaan majirto”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa