Xoghayihii Xanaanadda Xoolaha Xisbiga WADDANI Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa (Berbera news) Xog-hayaha Xanaanadda Xoolaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xasan Axmed Goodaad ayaa maanta Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii uu Todobaadkan eedo Warbaahinta u mariyay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, isaga oo sheegay in Guddoomiye Saleebaan uu Siyaasad ahaan la saftay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo
 
 
 
 
 
Xadhiga Masuulkan ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa la sheegay in hadda ku xidhan-yahay Xarunta Dembi baadhista C.I.D-da ee Magaaladda Hargeysa, waxaana tibaaxuhu intaas ku dareen in Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde uu amray Xadhigiisa.
 
 
 
 
Xadhigan Siyaasigan ayaa imanaya, iyadda oo uu taagan-yahay khilaaf salka ku haya Xeerka Diwaan-gelinta oo ay ku muransan-yihiin Mudanayaasha Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka , iyadda oo Xisbiyadda Mucaaridku-na ay hore Guddoomiyaha Golaha Guurtidda ugu eedeeyeen inuu Qorshaynayo Muddo kordhin uu u sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.