Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqadday In La Joojiyay Kalluunka Laga Soo Waarido Somalia

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Somaliland,ayaa wadda qorshe lagu dhiiri galinayo Kaluumaysatada Waddaniga ah iyo shirkadaha Waddaniga ah ee ka ganacsada Kalluunka dalka isla markaana balan qaaday haddii ay daboolaan baahida kalluun ee dalka in ay mamnuuci doonto Kalluunka laga soo dhoofiyo Soomaaliya ee ka soo dega Madaarka Cigaal ee Hargeysa.
 
 
 
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland Cali Jaamac Faarax(Buureed) oo socdaal shaqo ku maraya gobolada xeebaha Saaxil iyo Selel, ayaa arrintaasi ka hadlay waxaanu intaa ku daray in ay Xukuumad ahaan wadaan qorshe ay suuq ganacsi oo dibada ah sidii ay ugu raadinayaan kalluumaysatada Waddaniga ah si kor loogu qaado dhaqaalahooda isla markaana ay qaybtooda ka qaataan koboca dhaqaale ee wax soo saarka dalka.
 
 
 
 
 
Wasiirka Kaluumaysiga oo u warramay Wargeyska DAWAN oo aanu Warkan ka soo xiganay isagoo uu ku sugnaa degmada Lughaya,ayaa ugu horrayn, waxaanu ka hadlay ujeedada socdaalka uu ku marayo deegaamadaasi, waxaanu yidhi “Socdaalkayga shaqo waxaan ka bilaabay magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil,waxaanan ku darsaynay xaalada guud ee ay ku sugan yihiin Kalluumaysata Waddaniga ah iyo duruufaha ay qabaan taas oo aan ku soo maray Berbera,Bullaxaar,imikana (xalay) aan sii galayo Lughaya,waxaana soo mari doonaa illaa Saylac,ujeedada ugu weynina waxa weeyaan in aan marka hore daraasad buuxda ku samayno kalluunkeena iyo kalluumaysatadeenna iyo duruufaha ku xeeran si markaa wax la iskaga weydiiyo ka dibna looga hawl galo.”
 
 
 
 
 
Wasiirka oo aanu waydiinay deegaanada uu illaa imika soo maray iy waxyaabaha ugu waaweyn ee ay kalluumaysatada Waddaniga ahi ay kala hadleen ama ay ka cabanayaan,waxaanu yidhi “Waxyaabo farsamo iyo suuq gaynta kalluunkaba ayay ka cabanayaan oo qalab yaraan ayaa jirta khibrad badan oo aan loo lahayn kalluumaysiga ayaa inayana jirta inkasta oo Xukuumad ahaan aanu tababarana u qabanay qalabyo aanu ka qaybinay dhammaan deegaamada xeebaha ee laga kalluumaysto,laakiin waxa taa ka weyn ee ay ka cabanayaan waxaa weeye dhanka suuqa oo ay sheegeen in aanay helin cid ka iibsata marka ay kalluun badan soo saaraan taasna waxaanu wadnaa imika Xukuumad ahaan in aanu ka hawl gallo sidii dadkeenu ay u noqon lahaayeen dad sida ay hilibka u cunaan si la mid ah in ay kalluunkana u cunaan iyo in aanu u raadino suuqyo dibada ah oo Kalluumaysatada Waddaniga ah Kalluun ka iibsada markaa arrimahaasina meel fiican ayay noo marayaan oo imikaba wey jiraan dhaq dhaqaaqyo ganacsi oo aanu ku doonayno in aanu fursado suuq gayn ah in aanu ugu helno kalluumaysatada Waddaniga ah.”
 
 
 
 
Wasiir Cali oo ka jawaabayay su’aal aanu ka weydiinay suuq xumada ay Kaluumaysatada Waddaniga ahi ka cabanayso in ay sabab u tahay kalluunka laga keeno Soomaaliya iyo waxa uga qorshaysan Xukuumad ahaan,waxa uu arrintaasi kaga jawaabay “Horta wuu jiraa Kalluun laga keeno Soomaaliya oo ay dirsadaan shirkadaha ka ganacsada Kalluunku taana waxaa sababay laba qoddob oo kala ah marka koowaad waxaa jirta in Kalluumaysatadeennu marka uu kalluunku ku badan yahayna ay kalluun badan soo saaraan, marka kalluunku yaraadana ay farahaba ka qaadaan oo uu dhankooda ka kala go’o iyo kalluunkeena Berbera laga keeno iyo ka Xamar laga keenaa marka ay Hargeysa isugu yimaadaan waxa qiimo ahaan jaban ka Xamar arrintaa xalkeedana waxaa laga rabaa Kalluumaysatada Waddanga ah.
 
 
 
 
Annaguna Xukuumad ahaan waxaanu balan-qaadaynaa in aanu joojinayno kalluunka Xamar laga keeno haddii ay kalluumaysatadeenu daboolaan baahida kalluun ee dalku u baahan yahay,waana ayaan darro in inagoo ah dal kalluunka hodan ku ah in Xamar oo aynu ka kalluun wanaagsan nahay kalluun inooga yimaado,marka aan soo noqdo ee aan caasimadda dib ugu laabto, waan joojinayaa kalluunka Soomaaliya laga keeno,kalluumaysatana waxaa laga rabaa in ay daboolaan horta baahida kalluun ee Caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn ka dibna looga sii gudbo in ay dibada u diri karaan.”
 
“Waxaanu imika wadnaa qorshe wada shaqayneed oo dhanka ka ganacsiga Kalluunka ah oo aanu doonayno in aanu la yeelano dalka Jabuuti oo aanu gaar ahaan ka doonayno in ay noqoto dariiq ganacsi oo Kaluunkeenu caalamka ugu gudbo isla markaana caafimaadka kalluunkeena lagu sii baadho dalka Jabuuti meel fiicanna wuu noo marayaa waanan ku rejo weynahay in ay midho dhasho,”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysigu.
Wasiirka oo la weydiiyay waxa ka jira warar sheegayay in kalluumaysato shisheeye ahi ay soo gaadheen xeebta Saylac, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dalkeena wax markab kalluumaysi ah oo shisheeye ah oo biyaha baddeenna ku jiraa ma jiraan taana hore ayay Xukuumuddu u mamnuucday,warkaana waxba kama jiraan.”
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa