“Maanta Waxaynu Maraynaa, Meel Aad U Liidata Oo Shacabkii La Kala Kaxeeyay” Cabdirashiid Xasan Mataan

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in Bulshaddu ay Xisaabtanti si ay uga hor-tagaan Maamu-xumadda, waxaanu xusay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Shacabka ku hoggaaminayso Musuq-maasuq iyo Cadaalad-darro,
 
 
 
 
Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu ka jeediyay Munaasibad Magaaladda Hargeysa loogu qabtay Taageerayaal cusub oo ku soo biiray Xisbiga UCID.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID, hoggaankiisa iyo Musharixiinta maanta jooga ee ka tar-tamaya sida ay maanta u arkaan Kursiga iyo xilkan lagu socdo, marka ugu horaysa, waxaan idiin cadaynayaa inaanu anagu u aragno meesha aanu ku socono inay tahay meel naloo-gaynayo inaanu ugu adeegno shacabka, oo aanu noqon doono adeegayaal shacab, waxaanan muujin doonaa inaanu tusaale ka noqono inaanu nahay adeegayaal shacab si aad kuwa naga danbeeyana ula xisaabtami kartaan”
 
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID waxa uu intaas ku daray “Masuuliyadana haddii aan laysku daba galin oo aan laysku xisaabin waa lala lumaa, dalkeenana waxa ka dhacay xisaabtan la,aan, marka uu maamul xumaado, xisaabtan la,aan dhacdo ayuu qof jeclaysi yimaaada, Musuq-maasuq dhacaa, is nacu yimaadaa bur-burkuna xigaa, maantana waxaynu maraynaa meel aad u liidata oo shacabkii la kala kaxeeyey.”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa