Raysal-wasaaraha Somalia Oo Rajo Ka Muujiyay In Xal Laga Gaadho Khilaafka U Dhexeeya Madaxweynaha

Hargeysa (Berbera news) Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa rajo ka muujiyay in khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud la xallin doono dhawrka casho ee soo socda, kaas oo ka dhashay isku shaandhayntii lagu sameeyay golaha wasiirrada todobaadkii hore lasoo dhaafay.
 
 
 
 
 
Cabdi Sheekh Axmed Maxamed oo wareysi ku siiyay eNCA TV oo xaruntiisu ku taallo Koonfur Afrika ayaa sheegay inuu wali jiro xidhiidho isaga iyo Madaxweynaha u dhaxeeya, waxaana uu tilmaamay inuu rajaynayo in wax-walba wadahadal lagu dhameeyo.
 
 
 
 
“Kala aragti duwanaashaha jira waxaa lagu xalinayaa wadahadal maanta iyo shalay waxaan ku sugneyn garoonka diyaaradaha aniga iyo madaxweynaha waxan yeelanay xiriirro; waxaan ka doodnay sida loo xalin karo kala aragti duwanaanshaha, waxaan rajeynayaa in maalmaha soo socda horumar laga sameeyo,” ayuu Cabdiweli Sheekh u sheegay eNCA TV.
 
 
 
 
Halkan ka daawo.
 

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.