Xoghayihii Xanaanada Xoolaha Xisbiga WADDANI Oo Maanta Maxkamadda La Hor-keenay Iyo Eheladiisa Oo Loo Diiday Inay Arkaan

Hargeysa (Berbera news) Muddo dhan Todoba cisho oo rumaan ah ayaa maanta Maxkamada Hargeysa u jartay Xoghayahii Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Xasan Goodaad oo ay Xukuumadu maalin dhawayd ay gurigiisa ka soo dhex qabsatay.
 
 
 
 
 
 
Xukankan oo saaka ka dhacay Xarunta Maxkamada Hargeysa ayaa loo diiday in ay ka soo qayb galaan Masuuliyiinta Sar sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,iyo Sida oo kale ehelada Sarkaalkan maanta rumaanka loo jaray.
 
 
 
 
Arroornimadii hore ee saaka ayaa ay ahayd markii laga soo qaaday Xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa,waxaana Maxbuuskan uu meel kula xidhnaa qaar ka mid ah raga aadka u khatarta ah ee loo haysto dambiyada waawayn ee Argagisxisada iyo budhcad badeeda.
 
 
 
 
 
 
Waxaana ay sida oo kale qaar ka tirsan dadka ehelada u ah Maxbuuskan iyo waliba sida oo kale Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ay noo xaqiijiyeen in tan iyo markii la soo xidhay aan loo ogolaan in ay soo eegaan,ama ay sida oo kale cunto u geeyaan,waxaana ay carabka ku dhufteen in Saraakiisha sar sare ee xarunta CID-du ay sheegeen in ay iyagu cunto siinayaan oo aan la ogalayn in cid kale ay cunto u keento.
 
 
 
 
 
 
Ugu danbayntiinta Arrintan oo ah arrin aad u layaab badan ayaa ah mid ka hor imanaysa qaanuunka iyo shuruucda dalka maadaama uu Sarkaalkani yahay mid ka tirsan Haayadaha Siyaasiga ah ee WADDANI,waxaana ay sida oo kale ay meel ka dhac ku tahay ama ay ka hor imanysaa Xoriyatul qowl iyo xuquuqda Aasaasiga ah ee Qofka Bani Aadamka.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa