“Arrintaas Waxba Kama Jiraan, Sidaad Ka War-qabtaan Nidaam Ayay Ku Wadda Shaqeeyaan Goleyaasha Qaranku” Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu sheegay in aanu jirin Qoraal cusub ku saaban Xeerka Diwaan-gelinta ee Muranka ka taagan yahay oo uu u gudbiyay Golaha Guurtidda, kaas oo ay baahiyeen Warbaahinta Guddaha.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Arintaas waxba kama jiraan,Sidaad ka war qabtaana nidaam ay kuwada shaqeeyaan ayay leeyihiin Golayaasha qaranku,Hore saxaafadu wax loogu qoray looguna sawiray waraaq uu ii soo diray Guddoomiyaha Golaha Guurtida 16-kii Bishii ina dhaaftay,aniga oo ixtiraamaya labada gole waraaqdii uu ii soo diray ayuunbaa uga jawaabay” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo ka jawaabayay warar warbaahintu baahisay oo laga soo xigtay Ilo wareedyo aan la sheegin.
 
 
 
Guddoomiye Cirro oo maanta Arrintaasi Warbaahintu wax ka weydiisay ayaa waxa kale oo uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay Xoriyadoodda u soo celiso Laba Wariye oo ku xidhan Magaaladda Gabiley iyo Xoghayihii Xanaanadda Xoolaha Xisbiga WADDANI oo Khamiistii Todobaadkii hore ay Ciidamadda Amaanku xabsiga u taxaabeen, “Waxaan Xukuumada Baaq ugu soo jeedinayaa in ay soo dayso Wariyaasha Ay xidhay ee ku sugnaa Degmada Gabiley. Waxa kale oo aan Xukuumadda u soo jeedinayaa in Xoriyadiisa loo soo celiyo sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI Mudane Xasan Goodaad.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
 
 
 
Xeerkan weli murankiisu taagan-yahay ee Diwaan-gelinta Madaniga ayaa weli aan wax xal ha laga gaadhin, iyadda oo Golaha Guurtiddu-na hore u hakiyeen ansixintiisa, kaas oo Mudanayaasha Muxaafidka ahina ay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ku eedeeyeen inuu qodobo khalad ah ku daray.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa