Madaxweynaha Puntland Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Khilaafka Madaxda Somalia

Garoowe (Berbera news) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horaysay ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay labada masuul ee ugu sarreeya Dowlada Federaalka Soomaaliya.
 
 
 
 
Dr. Gaas oo maanta warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha Garoowe kadib markii uu kasoo laabtay safar dalka dibadiisa uu ugu maqnaa, waxa uu sheegay in hadii khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysa- Wasaaruhu mudo dheer sii jiro uu saamayn ku yeelan doono wada -shaqaynta Puntland iyo Dowlada Federaalka.
 
 
 
 
Si taasi aanay u dhicin Madaxweynaha Puntland waxa ku baaqay in labada masuul khilaafka jira iyagoo dastuurka raad raacaya si dhaqso ah xal uga gaadhaan.
 
 
 
 
“Khilaafku hadii uu sidaas ahaado dan uma ahan wada shaqaynta anaga (Puntland) iyo Dowlada Federaalka, marka waxaan jeclaan-lahaa khilaafka in lagu dhameeyo qaab Dastuuri ah” Cabdiweli Gaas ayaa yidhi.
 
 
 
 
Khilaafka Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal- Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo muddo bilo ah soo jiitameyey, waxa uu si rasmi ah u soo shaac-baxay October 25 2014 markaas oo Madaxweynuhu si cad uga hor-yimid waxba kama jiraanna ku tilmaamay isku-shaandhayn kooban oo Raysal-wasaaruhu ku sameeyey golihiisa wasiirrada.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa