Maydka Taliyihii Booliska Somalia Oo Dib Loogu Celiyay Muqdisho

Muqdisho (Berbera news) Maydka Taliyihii Booliska Somalia Marxuum Maxamed Xasan Ismaaciil ayaa maanta dib loogu soo celiyay Magaaladda Muqdisho, kaddib markii Nairobi loogu qaaday baadhitaanno la xidhiidha sababihii deg-degga ahaa ee uu u geeriyooday.
 
 
 
Ma jirto weli wax-war ah oo laga soo saaray sababta keentay geeridiisa, balse warar hoose ayaa sheegaya in dhakhaatiirtii baadhay ay sheegeen inuu u dhintay xanuun dhinaca saablayda ah oo ku soo booday.
 
 
 
 
Shaki ayaa laga muujiyay geerida taliyaha oo neeftu ay ku xidhan tahay, ka hor intii aanu ku geeriyoon Cusbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo sidoo kale geeridiisa loo xidhay dad badan oo ay ku jiraan dhakhaatiir.
 
 
 
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko, qunsulka safaarada Somalia ee Kenya Maxamuud Shire iyo xoghayaasha safaarada ayaa garoonka Wilson ee Nairobi kusoo sagootiyay.
 
 
 
 
Waxaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho Marxuumkani, iyadoo Raysal-wasaaruhu uu u magacaabay taliye ku meel-gaadha ah Cismaan Cumar Weheliye (Gas-Gas) oo ahaa ku xigeenkii taliyaha geeriyooday.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa