Qaybo Ka Mid Ah Magaaladda Wajaale Oo Dab Qabsaday Iyo Khasaare Ka Dhashay + Sawirro

Wajaale (Berbera news) Magaalada Wajaale ee ku taala Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, ayaa galinkii hore ee maanta dab qabsaday qaybo ka mid ah. Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ilaa 20 guri oo iskugu jira Goobo ganacsi,guryo iyo meherado kale gubteen. Dabka oo bilawday abaaro 9:00Am ayaa socday ilaa 12:00 Duhurnimo.
Ilaa hadda lama hubo xaddiga khasaaraha maal ee dabkaasi gaystay balse Wajaale waa magaalo Xarun ganacsi ah oo ay yalaan hanti Malaayiin Dollar ah. Ilaa hadda ma jiro cid maamulka Magaalada ah oo ka hadashay dabkaasi.
Dhinaca kalena markii dabkaasi la xakameeyay ayaa dadweyne cadhaysani ku mudaharaadeen Xarunta Maamulka Gobolka. Waxay dadweynuhu cabasho ka muujiyeen magaalada oo aan lahayn Dabdamis inkasta oo la sheegay in horena guddi ganacsato ah Lacag ka ururisay magaalada si loogu soo Iibiyo Dabdamisyo balse aan wali la soo Iibin.
Berbera news/Hargeysa