Warbixin Iftiiminaysa Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil Ee Shaqadda Qaranka Ka Soo Baxay Iyo Kuwa Ay Dhaliiluhu Dul-hooganayaan

Hargeysa (Berbera news) Warbixintani waxay ka hadlaysaa Masuuliyiinta deegaan ahaan ka soo jeeda Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil ee shaqadda uu Qaranku u igmadday ka soo baxay iyo kuwa ay dul-hoogaynayaan Maamul-xumaddu ee daayacay Masuuliyadda ay Bulshadda u hayaan.
 
 
 
War-bixintani hore waxay uga soo hadashay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, balse Maanta waxay ka hadlaysaa Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali-xoor-xoor) oo tiraba saddex jeer soo maamulay Dekedda Magaalada Berbera, iyadda oo xiligii Marxuum Maxamed Ibaarhim Cigaal ALLE ha u Naxariistee uu hayay Masuuliyadda Maamulka Dekedda oo uu Marxuum Cigaal xilka ka qaaday, balse Daahir Rayaale Kaahin ayaa dib ugu magacaabay, kaas oo muddaddii ay taladda ka wareegtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka laga qaaday waxaana badalay Axmed Yuusuf Dirar oo isa-gana xilka laga qaaday , hase-yeeshee muddo ka dib ayaa dib loogu magacaabay Xilkan.
 
 
 
 
Eng. Cali Masuuliyadda qaranku u igmadday ma soo baxay, mise weli waxbaa ka qaybo ah.
 
 
 
soco Qaybaha kale.
 
 
Berbera news/Hargeysa