“Cabashooyin Baa Ka Soo Baxay Derajooyinkii Ciidanka,Waxaan Leeyahay Waanu Sixi-doonaa” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta ka qayb-galay xuska sanad-guuradda 21-aad ee aasaaska Ciiddanka Booliska Somaliland ayaa waxa kale uu ka hadlay tabashooyin ka soo baxay xiligii la bixiyay derejadda Ciidanka.
 
 
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa farxad weyn ii ah, iyo Sharaf iyo qiimo-ba inaan maanta ka soo qayb galo 21 guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliska.Ciidanka Boolisku waa kuwaynu ku fadhino,waa kuwa ilaaliya nabad galyada oo ah waxa ugu muhiimsan ee dal lagu garto.dadku haddaanay nabad galyo haysan oo aanu lahayn Ciidamo Boolis ah oo wax qabta oo wax tara oo nabad galyadooda ilaaliya oo feejig oo u soo jeeda aanu helin dadkaasi iyo dalkaasi xasili maayo degina maayo.Markaas waxaan hambalyo balaadhan u dirayaa Ciidanka Booliska meel kasta oo ay joogaanba,iyaga iyo xaasaskooda iyo dadkoogaba.
 
 
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaas ku daray “ Waxaan jeclahay inaan halkan ka sheego,Cabashooyin baa ka soo baxay derajooyinkii Ciidanka ee aanu bixinay,waxaanan leeyahay waanu sixi doonaa cabashooyinkaasi oo sida ugu dhakhsaha badan aanu u sixi doono.waxaanan markale hambalyo u dirayaa Ciidanka Booliska meelay joogaanba”
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
Berbera news/Hargeysa