Koox Khasaare Gaadhsiiyay Maxjar Ay Berbera Ka Hir-geliyeen Ganacsato Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Berbera (Berbera news) Koox la sheegay inay ka amar-qaadanayeen Ganacsaddaha Mustafe Cabdi Cawad (Indha-deero) ayaa khasaare gaadhsiiyay Maxjar cusub oo ay hir-gelintiisa ku bahoobeen Ganacsato reer Somaliland ahi.
 
 
 
Maxjarkan ayaa dhismihiisu muddo ka socoday dhinaca Koonfur beri ee Magaaladda Berbera, waxaana la sheegay in arrintaasu uu ka soo hor-yimid Maamulka Indhadeero oo Maxjar ku leh Magaaladda Berbera, ka dib markii uu ku dooday inuu isagu leeyahay, balse uu aanu yeelan markii dambe.
 
 
 
Warka ayaa intaas ku daraya in Kooxdan ay khasaare gaadhsiiyeen dhismaha Maxjarkan, kuwaas oo qaatay qalbkii lagu wadday dhismaha, hase-yeeshee markii ay saacado ku sugnaayeen Goobtaasi ayaa waxa gaadhay Dad iskugu jira Ganacsataddii dhisanaysay Maxjarkan iyo Ciidamadda Amaanka, balse ilaa hadda wax talaabo ah lagama qaadin kooxdan ka Amar-qaadanaysay Mustafe Indho-deero.
 
 
 
 
Dhinaca kale Ciidamadda Booliska ayaa Xabsiga u taxaabay Wariye Maxamed Cabdilaahi Soo-fadhiiste oo isagu ku sugnaa Maxjarkan khasaaraha la gaadhsiiyay, waxaana la sheegay in amarka xadhigiisa uu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa