“Somaliland Ma Geydo In Shirarka Caalamiga Ah Ee UN-ka Iyo IGAD La Yidhaahdo Waxa Idin-matalaya….” Muuse Biixi

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa beesha caalamka u soo jeediyay in aanay isku xidhin Somaliland iyo Somaliya, waxaanu tusaale u soo qaatay khilaaf-yaddii hore u soo dhex-maray Madaxda Somaliya Bur-burkii Dawladdii Siyaad Barre.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid aha “Anagu waxaanu u ambabaxaynaa in aanu Caalamka ka dhaa-dhicino Qaadiyadda Somaliland, waar Nimanka (Somaliya) ee aad xooga oo dhan aad wadda-geliseen, weli lama arkin Madaxweyne iyo Raysal-wasaare 8 Bilood wadda-shaqeeya , waxaanu Beesha caalamka leenahay Nimankaa aad u taag-weydeen oo 30 Sanadood oo kadeed ah soo wadda-marnay ayaad nagu khasbaysaan oo aad leedihiin soo heshiiya”
 
 
 
Waxaanu intaas ku daray  “Umadda Somaliland ma geydo, wixii ay soo martay iyo wixii ay qabsatay-ba in la yidhaahdo Shirarka caalamiga ah   UN-ka iyo IGAD ka mid yihiin la yidhaahdo waxa idin-matalaya Dadka taladdoodu caynaakasi tahay , waxaanu u aragnaa inay meel ka dhac ku tahay Somaliland”
 
 
 
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Jaamac Ismaaciil Cigge oo ah Guddoomiyaha Golaha dhexe ayaa dhinacooda sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay in Doorashaddu ay ku qabsoonto wakhtigedda.
 
 
 
 
Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa hadda u socda wadd-hadalo, iyadda oo wajigiisii 6 –aadna lagu wadday inuu dhawaan qabsoomo, balse aan u qabsoomin sababo aan la cadayn.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa