Xuseen Bisad Oo Baaq-yo Kala Duwa U Jeediyay Xukuumadda, Baarlamaanka Iyo Shacabka Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Xuseen Bisad oo ah ninka ugu dheer dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tallooyin kala duwan u jeediyey madaxweynaha, baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) iyo dadweynaha dalkiisa.
 
 
 
 
 
Xuseen Bisada oo farriin ka soo diray magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kula taliyey inuu ka shaqeeyo sidii loo midayn lahaa bulshada waddanka, doorashooyinkuna ku qabsoomi lahaayeen waqtigooda.
 
 
 
“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaan leeyahay madaxweyne, adiga ayey ummaddu ku dooratay, adiga ayaa ummadda u madaxweyne ah, adiga ayaa qaranka, dalka iyo dadkaba ka masuul ah.
 
 
 
Madaxweyne, waxa wanaagsan in aad ka shaqayso nabadgelyada iyo isku duubnida ummada Somaliland, waana laga wanaagsan yahay in dalkeenna iyo dadkeenna la kala qoqobo oo inba meel lagu ooto. Annagu xisbiyada mucaaaridka ah haddaannu nahay, waxaannu jecelnahay in waddankayagu hagaago, dhismo oo horumar gaadho.
 
 
 
Annagu ku habaari maynno, ku aflagaadayn maynno, laakiin waxaannu ku leenahay waad la socotaa waxa dalka ka dhacaya ee wax ka qabo si aanay xaaladuhu meel xun u gaadhin.
 
 
 
Madaxweyne, waa in doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda, waxana ku xidhan danaha iyo horumarkeenna,” ayuu yidhi Mr. Xuseed Bisad.
 
 
 
Waxa kaloo uu talo u jeediyey Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, waxaannu yidhi; “Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida Somaliland waxaan leeyahay kuwii dadka dalku kudayan lahaayeen ayaad tihiin. Ma tihidin kuwii is-qabqabsan lahaa amma koox-koox u kala bixi lahaa, una kala fadhiisan lahaa amma dhaameel la idiin lulo. Waxaan idiin soo jeedinayaa in aad dalka u midawdaan, kana shaqaysaan danaha dalka, umana baahnin is-qabqabsi ee waa inaad ku soo noqotaan dhabbaha wadahadalka.”
 
 
 
Xuseed Bisad, ayaa sidoo kale la dardaarmay qaybaha kala duwan e dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, “Waxaan leeyahay shacabka yaan la idiin kala sheekayn. Yaan la idin kala dilin, waxaanan leeyahay salaadiintan kala ujeeddada ah ee mid waliba qabiil iyo ujeedo gaar ah u hadlayo waxaan leeyahay waddanka Somaliland waxaas wuu ka koray, wuxuuna noqday qaran Somaliland ah. Inta aynu is kala qoqobaynu waxa fiican in aynu u hadalno si heer qaran ah, kana hadalno danta dalka iyo dadkeenna, aniguna gebi ahaanba waan ka soo horjeedaa in koox amma dad salaadiin ah waxa ay doonaan isaga hadlaan, dhibaatana u geystaan qarannimada Somaliland.
 
 
 
 
Waxaan shacabka leeyahay, walaalayaal, midnimadeenna, wadajirkeenna, wada-dhalashadeenna aynu ilaashano, yaan la ina kala fogayn, maantana dalkeennu meel fiican ayuu marayaa ee nin dan leh yaannu innagu ciyaarin.”
 
 
“Inkasta oo ay jiraan dhaliilo u baahan in wax laga qabto, waxa fiican in aynnu dhaliilahaasna toosinno, sidii loo toosin lahaana u marno dariiqa saxda ah, isla markaana samayno is-beddel ayaa inala haboon, laakiin in ayny mindi ku taag midni noqono waa wax laga qurux badan yahay.
 
 
 
 
Inta aynu innagu isku jeedno waxa fiican in aynu eegno waxa ka socda dalalka hareeraha innaga xiga, mana fiicna in aynu innagu isku fiirsano. Waxaan leeyahay walaalayaal, ha innaga kala daadinina nabadda iyo xasilloonida aynu haysano,” ayuu yidhi ninka labaad ee adduunka ugu dheer.
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa