“Cukuse Waxaan Leeyahay Haddii Akhlaaq-xumo Iyo Qayb-yaaladdi Jirto Adigaa Kow Ka Ahaa Oo Wargeyska Saxan-saxo Ku Qori-jiray” Xoghayaha SOLJA

Hargeysa (Berbera news) Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa kuwo aan suurto-galayn ku tilmaamay Awaamiir ay Xukuumaddu ku soo rogtay Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland iyo weedho xambaarsan hanjabaado oo uu Wasiir Cukuse ka sheegay Shir Saxafadeed maanta ka qabsoomay Wasaaradda Warfaafinta.
 
 
 
 
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo Kulanka Wasiir Cukuse la yeeshay Warbaahinta ka dib Saxaafadda la hadlay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Horta waanu soo dhaweynaynaa Wasiir,imbadan baanu kuugu taag la’ayn Xeerka Saxaafadda ee lambar 27 Sanadkisuna ahaa 2004 ee Madaxweyne Daahir Rayaale Saxeexay,labada Gole baarlamaana Ansixiyay ee Madaxweyne Siilaanyo-na Wareegtada ka soo saaray 2012-kii ee wali ka qarsoon wasaaraddaha iyo meelaha wax la dhigo” ayuu yidhi Xoghayaha SOLJA.
 
 
 
 
Maxamed-rashiid waxa uu intaas ku daray “Waxaan leeyahay Wasiirka haddii Akhlaaq xumo iyo qaybaaladi jirtay adigaa kaw u ahaa,Wasiirku waa Ninkii markii uu Wargeyskiisa Saxansaxo joogay Wargeyska ku qoray war degdeg ah ee yidhi “Beesha Subeer Awal oo isku raacday in Musharaxa madaxweyne Xigeenku yahay Muuse Biixi”haddii aad maanta dhibsanayso waxa TV-yada kale ka baxaya adigaa qabyaalad bilaabay,haddii Sodoh la caayayana Adigaa yidhi Hudi(gabadha Daahir Rayaale)waxay ku soo dukaamaysatay Hal Milyan Oo Dollar,wargayska Saxansaxo ayaanad ku qortay,waxaanu leenahay Wariyeyaal badan oo kaa Akhlaaqad badan baa jooga oo wariyeyaashu bilaa Akhlaaq maaha” ayuu yidhi Xoghayaha SOLJA.
 
 
 
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaan Wasiir kuu sheegayaa Guddida Anshaxa waxaa xaq u leh Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,qodobkiisa 5-aad baanu ku qoran yahay.waa guddi madaxbanaan,mid Dawlad u adeegana ma noqonayo mid ay dawladdi biilisana ma noqonayo.Wariyeyaashu Xadhigna darajo kuma helaane malaha Xukumaddan ayaa Federal Somalia la saxeexatay oo sidaas u cabudhinaysa Saxaafadda”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.