Dawladda Somalia Oo Muqdisho Ka Mustaafurisay Wariyayaal Afrikaan Ah

Muqdisho (Berbera news) Dowladda Somalia ayaa maanta ka mustaafurisay Muqdisho wariyeyaal Afrikaan ah oo ay dowladdu sheegtay in ay dhawaan sharci-daror kusoo galeen Muqdisho, iyadoo tallaabadaas ay soo dhaweeyeen suxufiyiinta Muqdisho iyo ururka NUSOJ.
 
 
 
 
Suxufiyiintaan oo laba ahaa ayaa u kala dhashay dalalka Uganda iyo Ghana, kuwaasoo doonayay inay tababar u furaan saxafiyiin Soomaaliyeed, kaas oo uu soo qabanqaabiyay Cumar Faaruuq oo horay u ahaa xoghayaha guud ee NUSOJ.
 
 
 
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdilaahi Colaad Rooble ayaa ku tilmaamay wariyeyaashan ajnabiga ah inaanay soo marin wasaaradda markii ay dalka soo galayeen, taasoo keentay sida uu sheegay inay maanta dib uga celiyaan Muqdisho, wuxuua ku eedeeyay saxafiyiinta ajnabi ah inay si sharci-darro ah kusoo galaan dalka.
 
 
 
Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ, Max’ed Ibraahim Bakistaan oo isaguna hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada suxufiyiintan looga musaafuriyay Muqdisho, waxaana uu dhankiisa xusay inaanay soo marin ururkooda saxafiyiintaas ajnabiga ah ee dalka laga musaafuriyay maanta.
 
 
Muqdisho ayaa waxaa yimaada saxafiyiin ajnabi ah oo doonaya inay warar iyo warbixino ka diyaariyaan xaaladaha uu dalku ku sugan yahay, kuwaasoo la xiriiraan shirkado amni gaar loo leeyahay si ay ammaankooda u sugaan.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa