“Shirka Ka Dhacaya Dermark Maaha Mid Khuseeya Somaliland, Waa Mid U Gaar Ah Somalia” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in aanay ka qaybgali doonin shir Soomaaliya loogu qabanayo Copenhagen ee dalka Dermark, kaas oo xusay inuu ku soo casuumay madaxweynaha Soomaaliya.
 
 
 
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidan ka sheegay Shirka 7-aad ee isu-duwida mucaawinooyinka Somaliland oo ka furmay magaaladda Hargeysa oo ay ka soo qayb-galeen dalalka iyo hay’adaha Somaliland ka caawiya dhanka Horumarka iyo koboca dhaqaalaha.
 
 
 
 
Waxaana hadaladii Madaxweynaha ka mid ahaa “Waxaan martiqaad ka helay Madaxweynaha Soomaaliya si aan uga qaybgalo kulan heerkiisu sareeyo oo Soomaaliya loo qabanayo bishan aynu ku jiro, waxaanan jaarkayaga u rajaynayaa wanaag, laakiin shirkan la igu martiqaaday waa mid u gaar ah Soomaaliya, mana khuseeyo Somaliland, waxaanna la oghayahay in Somaliland tahay dal gaar ah, shirka lagu qabanayo magaalada Copenhagen ee dalka Dermark waxa uu khuseeya ajandayaasha arrimaha fedaraalka Soomaaliya, kuwaasina maaha qaar khuseeya Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
 
 
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale ka hadlay Wada-hadalada u socday Somaliland iyo Somalia, waxaanu yidhi “Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxa si deeqsinimo ah u wada dalka Turkiga, waxaannu jecelnahay in midho-dhal fiican ka soo baxaan shirka wadahadalka, waxaanan beesha caalamka ka doonaynaa inay taageeraan sidii loo dammaanad qaadi lahaa in dhinacyada (Somaliland iyo Soomaaliya) loogula xisaabtami lahaa fulinta qodobada iyo heshiiska ka soo baxay wadahadalka. Somaliland waxa ka go’an ilaalinta iyo ka qaybgaadashada nabadgelyada, ammaanka gobolka Geeska Afrika, iyo inay qiimo weyn u hayso soo wadida wadahadalka Soomaaliya si ay u muujiso inay dal muxtaran ah ku dhex noqoto bulshada caalamka.”
 
 
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan mar uu ka dhoofay Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa ka ambabaxay, isaga oo xiligaasi dalka Ingiriiska kaga qayb-galay Shirkii lagaga hadlayay Ganacsiga iyo Maal-gashiga, waxay Warbaahintu weydiisay inay Shirkan Denmarka ay ka qayb-galayaan, waxaanu sheegay in Dawladda ahaa haddii lagu soo casuumo ay ka qayb-galayaan, balse aanay hoos-fadhiisaynayn Somaliya.
 
 
 

 
 
 
Berbera news/Hargeysa