Xukuumadda Oo Amaro Xambaarsan Nidaamka Kali-talisnimadda Ku Soo Rogtay Warbaahinta Madaxbanaan

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Xukuumadda ahaan ay Warbaahinta madaxbanaan u soo jeediyeen inay ku dhaqamaan Qodobo nuxurkooddu uu tilmaamayo in la iska Diwaan-geliyo hay’adda kasta oo Warbaahinteed oo madaxbanaan Xafiiska Agaasimaha guud ee Warfaafinta.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu ku dhawaaqno,waxaanu Liisamada bilaabaynaa todobaadka soo socda,waxaa la imanayaa Xafiiska Agaasimaha guud,waa la isdiwaangalinayaa,waxaad buuxinaysaa Foom,haddii aad Website leedahay,haddaad Jaraa’id Leedahay, leedahay Madbac iyo kuwan Boodhadhka Xaysiiska, haddaad Tv ama Idaacad leedahay.Agaasimaha guud baad u imanaysaan waxaanuna u samaynaynaa Kaadhkii Hay’addaas warbaahineed kaga qayb gali lahayd goobaha loo baahan yahay(Goobaha Wararka),waxaanu kuu samayn doonaa Liisan aad Cashuurta ku bixiso Sanadkii hal mar,waxaanad ku shubi doontaa Xafiiska Maaliyadda wixii dalku xaq kuugu yeesho” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
 
 
 
 
Amaradan Xukumadda Siilaanyo ku soo rogtay Warbaahinta Madaxa banaan ayaa keeni karta inay Xukumaddu xakamayso Warbaahinta islamarkaana ay sahlanaato inay ruqsada iyo kaadhadhka shaqo kala noqoto Hay’addaha Warbaahinta.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa .