Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Raali-gelin Ka Bixiyay Gacan Ka Hadalkii Ay Ilaaladiisu Ku Qaadeen Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Berbera

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inuu ka xun-yahay gacan hadal ay shalay qaar ka mid ah Ilaaladdiisu ku qaadeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Magaaladda Berbera, waxaanu xusay in la xidhay Askarigii gacanta u qaaday Xildhibaanadaasi.
 
 
 
 
Wasiirka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Berbera waxa kale oo uu sheegay inay Xukuumadd ahaan ay talaabo sharciga waafaqasan ka qaadayaan Koox Todobaadkan weerar ku qaaday Maxjar ay Berber ka hir-geliyeen Ganacsato reer Somaliland ahi.
 
 
Halkan ka daawo.

Berbera news/Hargeysa