Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Wamadda Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) ayaa sheegay in ay Wafti ka socday Wamadda Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka ay kala hadleen Doorashooyinka lagu waddo inay Somaliland ka qabsoomaan Sanadka 2015-ka, Dimuquraadiyadda iyo Diwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha.
 
 
 
 
Weftiga oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Somaliland ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay dhinacyada Somaliland ee doorashadu khusayso,waxaanu sheegay Gudoomiye Cirro inay kala hadleen weftiga guud ahaan arimaha doorashada iyo qaddiyada Somaliland
 
 
 
Gudoomiye Cirro oo Maant Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Sida aad ka warqabtaan waxaa Isniintii iyo Salaasadii joogay Wefti balaadhan oo ka socda Beesha Caalamka,gaar ahaana Qaadhaan bixiyeyaasha gacanta ka siiya Somaliland xaga Dimuqraadiyada iyo xaga horumarkaba.markaa Weftigaasi wuxuu u socday guud ahaan arimaha Somaliland oo ay ka mid yihiin,Doorashooyinka,Diwaangalinta Codbixiyaha iyo deeqaha la siiyo Somaliland”
 
 
 
 
 
Guddoomiye Cirro wuxuu ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen“Waanu is aragnay,waxaanuna kala hadlay oo iyaguna nooga war bixiyeen guud ahaan arimaha doorashooyinka iyo diwaangalinta iyo dhamaan arimaha Somaliland khuseeya,hadday tahay Sanduuqa horumarinta Somaliland oo dawladdo aan hore ugu jiri jirini ku soo biireen oo markii hore wuxuu Sanduuqu ka koobnaa Ingiriiska iyo Denmar,haddana waxaa ku soo biiray dawladdo ay ka mid yihiin Holand,Jarmal-ka iyo Norway.markaa Guud ahaan Arimaha doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada,arimaha qaddiyadda Somaliland iyo warbixinaha guud ee Somaliland ayaanu ka wada hadalay” ayuu yidhi  Guddoomiye Cirro
 
 
 
 
Weftigan ayaa la filayaa inuu isku soo dhaweeyo Xukumadda iyo Mucaaradka si aada ugu kala tagan Diyaar garowga doorashada ka dib markii muran ka dhashay Xeerka diwaangalinta iyo Ansixinta Komishanka doorashada dhici doonta badhtamaha sanadka soo socda.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa