Xukuumadda Oo Cudud Ciiddan U Adeegsatay Sidii Ay U Carqaladayn- Lahayd Shirka Dhalinyaradda Somaliland Ay Qabanayaan

Hargeysa (Berbera news) Dhalinyarada wada qabanqaabada Shirweynaha Dhalinyarada Somaliland ayaa Ciidanka RRU-du xalay guryaha ugu daatay si ay xabsiga ugu taxaabaan. Laba ka mid ah Hogaanka Guddida ayaa guryahooda loo dhacay,iyadoo midna ka baxsaday,halka kalena ka maqnaa guriga wakhtiga ay u dhacayeen.
 
 
 
 
Dhalinyarada oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in sababta Xukumaddu u beegsanayso guddidan ay tahay qabanqaabinta Shirka Dhalinyarada iyo kulamo ay dhalinyarada gobolka Awdal iyo Togdheer la soo yeesheen.
 
 
 
“Xaaladdahan ugu dambeeyay ee Xallay Hargeysa ka dhacayay ee lagu beegsanayay Dhalinyarada Shirweynaha wadda waxa keenay laba sababood,sababta 1-aad waxa weeye waanagii Boorama tagnay,anigu Nin Reer Boorama ah baan ahay,reer Boorama oo Qaranka tabasho ka qaba markaanu u tagnay waxay yidhaahdeen arintii hore sidii loo sixi lahaa ayaanu maanta u taaganahay tan dambe ee aad wadaana ilaa aynu wax ku heshiino ALbaab inoo furmi maayo.
 
 
 
 
Runtii arin gar ah baanu u aragnay waana laga jawaabay oo Heshiisyadii Saxaafadda ayaanu u soo bandhignay.waxa Xukumaddu ka dagaalamaysaa waxa weeye qaran wada socda oo wax uu ku midaysan yahay la helay.waxa nalagu haystaa sidee loo helay fikir dhalinyaradu ku midaysan yihiin oo kii wax tabanayayna loo bogsiiyay.
 
 
 
Qodobka labaad ee nalagu haystaa waxa weeye danta guud yaan loo hadlin,Gaandi Library waa goob ardaydu wax ku barato,Aqoonyahanku wax ku barto,waana goob waxbarasho waana ilayskii umadda.kaas markaanu ka hadalay ee nidhi waar Ilmaadeerayaal yaan la iibinin Gaandi ee halaga daayo waxaa la leeyahay side uga hadashaan.waxaanu leenahay Illaahay baa xaqa iyo Caddaaladda iska leh waanuna ka hadlaynaa” ayuu yidhi Maxamed Abiib Yuusuf oo ka mid ah Guddida qabanqaabada Shirka dhalinyarada.
 
 
 
Waxa uu intaasi raaciyay inay hiil u yihiin Dhalinyarada Somaliland oo inta Kursiga lagu fuulo ka dibna laga dan baxo “Waxaan leeyahay Dhalinyarada Somaliland, Islaanta hooyada ah ee aan goblamin ee 70 Jirka ah ee suuqa Gobonimo ku soo kalahaysa,ee Suuqa Boorama ku soo kalahaysa ee Suuqa Burco ku soo kalahaysa ee Shanta Inan ama tobanka Inan ee Jaamacaddaha ka qalin jabiyay guryaha u fadhiyaan sidii ay curyaamiin yihiin ama Maskaxda wax uga dhiman yihiin waxa halkaa dhigay waa Shaqo la’aan iyo Caddaalad daro iyo Musuqmaasuq.Umad kasta oo Illaahay meel ku abuuray wax ku filan Buu Illaahay siiyay oo Khayraad ku filan ayuu siiyay.
 
 
 
 
Xaqiiqdii waxaa loogu tala galay in Jeebado gaar ah iyo Shakhsiyaad gaar ah qarankii u shaqeeyo,waana ta keentay in Hooyooyinkeen maalin walba kallahdo,waar miyaynu Ogolaanaa in Hooyadeen maalin walba kallahdo?inagoo wax baranay oo Jaamacadda Hargeysa,Jaamacadda Camuud,Jaamacadda Burco ka qalinjabinay.Aayaha aynu ka tashanaynaa waa taasi,waxaana weeye Nin dambe oo nagu guura oo intaanu sacabada u tunno barina meel kale ka fad kudiya ma Ogolaanayno” ayuu yidhi Maxamed Abiib Yuusuf.
 
 
 
Guddida Shirkan qabqaabinaysa ayaa kulamo kula yeeshay Gobolada dalka qaarkii dhalinyarada iyadoo aan wali la cayimin Wakhtiga Shirku qabsoomayo iyo meesha lagu qabanayo midna.shirka hore loogu sheegya inuu Caddaadlay ka qabsoomayo ayaa hadda la sheegayaa in mar kale laga fikiri doono halka lagu qabanayo.
 
 
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
Berbera news/Hargeysa