Xukuumadda Oo Dib Boodhka Uga Jaftay Adeegsiga Barnaamijkii Waji Ku Macaash

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dib u bilawdday Barnaamijka waji ku macaash oo aasaaskiisa ay saldhigtay Xukuumadda Daahir Rayaale Kaahin, waxaana Telefishanka ay Bulshaddu u taqaano TV-ga qaranka uu habeenaddii u dambeeyay tabiyay warar ay ka mid yihiin Odayaal-dhaqameed taageero u muujinaya Xukuumadda, isla-markaana eedo u jeedinaya Xisbiyadda Mucaaridka iyo Siyaasiyiinta kale ee dhaliila hanaanka Hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo Siyaasiyiin Mucaarid ah oo Todobaadkan dhaliilo adag u jeediyay Xukuumadda ku tilmaamay kuwo aan indhahooddu arkayn Horumar iyo wax-qabad ay sheegee inay fulisay Xukuumadda KULMIYE.
 
 
 
 
Barnaamijkan waji ku macaash ayaa ah mid Dhaqaale lagu siiyo Odayaal Madaxdhaqameed la soo abaabulo oo inta badan wararkoodda laga tabiyo TV-ga qaranka, kuwaas oo u jawaabo ka bixiya eedaha ay Mucaaridku u jeediyaan Xukuumadda, iyadda oo ay maalmihii u dambeeyay uu soo badanayo abaabulkooddu.
 
 
Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ayaa Barnaamijkan Waji ku macaash adeegsan-jirtay oo aasaaskiisa bud-dhigtay, waxaana Warbaahinta soo fadhiisan-jiray Cuqaal, Siyaasiyiin iyo Shakhsiyaad kale oo la fikir ahaa Xukuumaddii UDUB oo eedo iyo dhaliilo is hawan ku duri-jiray Xisbiga KULMIYE oo xiligaasi ahaa Mucaaridka ugu adag ee uu wajihi-jiray Daahir Rayaale iyo Wasiiraddiisii, iyadda oo lagu tilmaamay Barnaamijkan inuu ahaa mid ay Kalsoonidda Shacabkan ku weyday Xukuumaddii Rayaale.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa