Madaxweyne Silaanyo oo la kulmay wefti ka socda dalka Faransiiska

Hargeysa-(Berberanews)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan kula yeeshay xafiiskiisa wefti uu hoggaaminayo safiirka dawladda Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Remi Marechaux booqasho ku yimi dalka maanta.

Siilaanyo-iyo-Safirka-Faransiiska

Kulankan oo ahaa mid la isku xog-warraystay, ayaa Madaxweyne Siilaanyo warbixin ka siiyey safiirka horumarka dalka iyo wixii u qabsoomay muddadii ay Somaliland jirtay, isagoo ku dheeraaday in dalkani yahay mid iskii wax u qabsaday, horumar ballaadhana ka sameeyey arrimaha nabadgalyada, waxbarashada, caafimaadka iyo doorashooyinkaba.

Siilaanyo iyo Faransiiska2

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Faransiiska u fadhiya Nairobi Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Remi Marechaux, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha kulanka lagaga wadahadlay.

Siilaanyo iyo Faransiiska3

Md. Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in qodobadda ugu waawayn ee Madaxweynaha iyo Safiirka Faransiisku kaga wadahadleen kulanka ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada waddan, sidii Faransiisku maalgashi ugu samayn lahaa dalka Somaliland iyo inuu taageero hawlaha horumarineed, isla markaana dawladda Faransiisku gacan ka gaysan lahayd wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Safiirka Faransiiska

Madaxweyne Siilaanyo waxa kulankaasi ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis, Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim Cumar.