Mooshin ka dhan ah ra’iisalwasaaraha Soomaaliya

BBC-(Berberanews)-Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la horgeeyey mooshin ka dhan ah ra’iisalwasaaraha oo la doonayo in kalsoonida lagala laabto.

Mudane Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in mooshinka lagu caddeeyey eedeymaha ka dhanka ah ra’iisalwasaaraha.
Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo uu jira khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Waa ra’iisalwasaarihii labaad ee laga keeno mooshin tan iyo markii la soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaqada ka eryay Ra’iisalwasaarihii ka horreeyey Cabdiweli, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, bishii December ee sanadkii tegay ee 2013-ka.